Madaxweyne Xasan oo ka qeybgalaya shir-madaxeedka Midowga Afrika

Image

Johannesburg, 14 June, 2015: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeybgaley furitaanka Shir Madaxeedka 25-aad ee Midowga Afrika oo ka dhacay magaalada Johannesburg ee dalka Koonfuur Afrika.

Shirkan ayaa ajendayaasha looga hadlayo waxaa ka mid ah hiigsiga 2063 ee horumarinta haweenka Afrika, nabadgelyada, la dagaalanka argagixisada, iskaashiga dhaqaalaha , maalgashiga iyo horumarinta adeegyada bulshada ee qaaradda Afrika.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale waxaa isla goobta uu shirkan ka dhacayo uu maanta ku guddoomin doona shir gaar ah oo ay isugu imanayaan hoggaamiyeyaasha dalalka ay ciidammadooda ka joogaan Soomaaliya ee qeybta ka ah AMISOM.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale maanta kulan kula yeeshay xarunta uu ka dhacayo shirka Midowga Afrika ee Sandton, Ku Xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Jan Eliasson.

Related Articles

Dagaal ka dhacay Baydhabo iyo Aadan Madoobe oo Wajahaya Caqabado ku Aaddan Hoggaaminta Koonfur Galbeed

Xaaladda Baydhabo ayaa saaka weli kacsan, waxaana laga cabsi qabaa in dagaallo hor leh ay dib uga qarxaan magaalada.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 06:19AM

Dowladda Soomaaliya oo ka walaacsan firaaq amni kadib go'aanka Mareykanka

Mareykanka ayaa sheegay in wixii ka dambeeyay December 2026 jarayo lacagtii uu ku bixin jiray howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 11:38AM