Madaxweyne Xasan oo la shiray xildhibaannada mooshinka diidan

Image

November 27, 2014 (GO)- Madaxweynaha Dowladda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la kulmay qaar kamid ah xildhibaannada kasoo horjeeda mooshinka ka dhanka ah xukuumadda Ra'iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed.

Xildhibaan Bishaar Ugaas Ibraahim oo kamid ahaa xildhibaannada la kulmay Madaxweynaha ayaa waraysi uu siiyey Idaacadda VOA wuxuu kaga warbixiyey kulankaas iyo weliba  arimihii layskula soo qaadey.

Xildhibaanka ayaa sheegay in Madaxweynuhu ka codsaday inay xaaladda dejiyaan maadaama marxalad xasaasi ah lagu jiro khasabna tahay in khilaafka ka dhex jira baarlamaanka iyo hay'adaha kale ee dowladda wadahdal lagu dhameeyo.

Si wadahadal loo furo,  xildhibaannada mooshinka diidani waxay shardi ka dhigeen kana dalbadeen Xasan Sheekh inuu la hadlo kuwa mooshinka soo gudbiyey kuna amro inay mooshinkaas dib u celiyaan.

Madaxweynaha oo soo jeedintaas aqbalay ayaa sheegay in garabka kale ee xildhibaannada uu la kulmi doono kana dhaadhicin doono inay wadahal ogolaadaan, wadahadalkaas oo guddoonka baarlamaanku gar wadeen ka noqon doono.

Xasan Sheekh Maxamuud oo cadaadis badani uga imaanayo dhanka beesha caalamka wuxuu dadaal ugu jiraa sidii uu taageero uga heli lahaa xildhibaannada kasoo horjeeda mooshinka oo iyagu caqabad ku noqday qorshaha laga soo abaabulay madaxtooyada ee la doonayo in lagu majo xaabiyo xukuumadda.

War-saxaafadeed (November 24, 2014) kasoo baxay xafiiska Ra'iisul Wasaare Cabdiweli Shiikh Axmed waxaa lagu sheegay in Ra'iisul Wasaaruhu diyaar u yahay in khilaafka jira wadahal lagu dhameeyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Garowe Online oo ka digtay xannibaadaha Facebook, xilli Meta lagu haysto qaladaadka AI-da

Sida ay qortay The New York Times, Meta waxay sii ballaarinaysaa adeegsiga AI-da si ay u go’aamiso akoonnada la xannibayo.

  • Soomaliya

    22-07-2026

  • 04:59AM

Soomaaliya iyo Mareykanka oo ka wada hadlay xasilloonida Geeska Afrika iyo iskaashi cusub

Kulankan ayaa kusoo beegmaya xilli Soomaaliya iyo saaxiibadeeda caalamiga ah ay wadaan dadaallo lagu xoojinayo hay’adaha amniga.

  • Soomaliya

    21-07-2026

  • 07:22AM