Madaxweyne Xasan Sheekh oo Addis Ababa gaarey

Image

January 29, 2015 (GO)- Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa  gaarey magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia.

Wafdiga Madaxweynaha oo wasiiro iyo xildhibaano ku jiraan waxay ka qayb geli doonaan shir-madaxeedka dalalka Midowga Afrika oo berri Addis Ababa ka furmi doona.

Af-hayeenka Madaxtooyada Soomaaliya Daa'uud Aweys ayaa sheegay in Madaxweynuhu shirka ka jeedin doono khudbad uu kaga hadlayo xaaladda guud ee dalka iyo weliba horumarrada laga sameeyey dhinacyada sugidda amaanka iyo siyaasadda.

Aweys ayaa sidoo kale sheegay in Madaxweynuhu mudada uu Addis Ababa ku sugan yahay la kulmi doono madax uu kamid yahay xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobey Ban Ki-moon oo isagu kamid ah marti sharafta shirka lagu casumey.

Shir-madaxeedka Midowga Afrika waxaa arimaha diirada lagu saari doono kamid ah: horumarinta maalgashiga qaarada Qaarada Afrika, la- dagaalanka cudurka Ebola iyo halista kooxda Boko Haram.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo Su’aal ka Keenay Xilliga ay Mucaaradku u Muddeeyeen Dibadbaxyada Muqdisho

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay siyaasiyiinta mucaaradka inay la yimaadaan barnaamijyo siyaasadeed oo dhaxalgal ah.

  • Soomaliya

    10-05-2026

  • 07:39PM

Farmaajo oo Dowladda ku Eedeeyay Caburin Bannaanbax, Kana Digay Xadgudub Dastuuri ah

Farmaajo ayaa sheegay in bannaanbaxyadu yihiin muujin nabadeed oo shacabka ay ku cabbirayaan cabashooyinkooda la xiriira maamulka iyo hoggaanka dalka.

  • Soomaliya

    10-05-2026

  • 06:25AM