Madaxweyne Xasan Sheekh oo Gaaray Addis Ababa xili Al-Shabaab oo Qabsatay Maxaas

Image

Addis Ababa – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa gaaray magaalada Addis Ababa si uu uga qeyb galo shirweynaha labaad ee Cunnada Adduunka ee ay soo qaban-qaabisay Qaramada Midoobay, xilli uu dalka wajahayo xaalad amni oo halis ah.

Madaxweynaha ayaa lagu soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Bole International Airport, halkaas oo uu ku qaabilay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Itoobiya, Temesgen Tiruneh.

Booqashada madaxweynaha ayaa ku soo beegantay iyadoo saacado kahor ay kooxda Al-Shabaab si buuxda ula wareegtay degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, oo ka tirsan maamulka HirShabeelle. Maxaas ayaa muddo dheer ahayd xarun istiraatiiji ah oo ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda iyo maleeshiyaad beeleed taageersan, waxayna door muhiim ah ku lahayd dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Qabsashada Maxaas waxay dhabar-jab amni iyo mid siyaasadeedba ku tahay dowladda federaalka iyo maamulka HirShabeelle, waxaana ay ka dhigan tahay degmada saddexaad ee ay kooxda Al-Shabaab la wareegto sanadkan 2025 gudihiisa, kaddib Aadan Yabaal iyo Moqokori oo labaduba ka tirsan HirShabeelle.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay si kedis ah uga baxeen Maxaas, taasoo u sahlatay kooxda Al-Shabaab inay la wareegto magaalada iyada oo aan wax dagaal weyn ah dhicin. Macwiisleyda ayaa ka filayay Al-Shabaab dhanka waqooyi inay uga imaanayso, balse Koonfurta ayaa looga yimid.

Falanqeeyayaal ayaa u sheegay Garowe Online in safarrada caalamiga ah ee madaxda dowladda aysan wax micne ah u yeelan doonin haddii amniga gudaha uu sii burburo, iyadoo sidoo kale la sheegay in Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre uusan weli matalin Soomaaliya shirar caalami ah oo muhiim ah tan iyo markii xilka loo magacaabay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dagaal Culus oo Baydhabo ka Qarxay, Ciidamada Lafta-Gareen oo Sheegay inay Qabsadeen Magaalada

Baydhabo oo ah caasimadda Koonfur Galbeed ayaa ah magaalo muhiim u ah siyaasadda iyo amniga koonfurta Soomaaliya.

  • Soomaliya

    17-08-2026

  • 07:07AM

Shacab ku sugan Koonfur Galbeed oo gubay calanka Turkiga, iyagoo ka careysan duqeymo

Si kastaba, Turkiga si rasmi ah uma xaqiijin inuu mas'uul ka ahaa duqeymaha dhowaan laga soo sheegay deegaannada ku dhow Baydhabo.

  • Soomaliya

    16-08-2026

  • 09:34AM