Madaxweyne Xasan Sheekh oo Saxiixay Dastuurka Cusub ee Dalka xilli ay Jirto Diidmo xooggan

Image

MUQDISHO, Soomaaliya — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta si rasmi ah u saxiixay dastuurka cusub ee dalka, taas oo soo afjaraysa muddo ka badan 13 sano oo Soomaaliya ay ku dhex jirtay marxalad kumeel-gaar ah.

Munaasabadda saxiixa oo ka dhacday madaxtooyada Soomaaliya, ayaa waxaa goobjoog ka ahaa guddoonka labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka. Tallaabadan ayaa timid ka dib markii 4-tii Maarso ay baarlamaanku ansixiyeen wax-ka-beddelka dastuurka.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo hadal ka jeediyay munaasabadda ayaa yiri: "Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya wuxuu dhammaystiray dib-u-eegistii dastuurka, waxaana maanta wixii ka dambeeya noo taagan dhaqangelintiisa iyo sidii ummadda Soomaaliyeed u heli lahaayeen xuquuqda iyo waajibaadka ku qoran. Dukumeentigan waa heshiis bulsho, waxaana rajeynayaa inuu Soomaaliya u horseedo nabad, deganaansho iyo xukun hufan."

Maxay ka dhigan tahay saxiixa dastuurkan?

Muddada Xilka: Dastuurka cusub ayaa kordhinaya muddada xil-haynta madaxweynaha iyo baarlamaanka, isagoo ka dhigaya 5 sano halkii ay markii hore ka ahayd 4 sano.

Nidaamka Doorashada: Waxaa isbeddel lagu sameeyay hannaankii doorashada dalka, iyadoo la qorsheynayo in loo gudbo doorasho dadban oo ka ballaaran hannaankii hore.

Awoodaha: Waxaa lagu qeexay awoodaha madaxweynaha ee magacaabista iyo cayrinta ra’iisul wasaaraha, iyo xiriirka u dhexeeya dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada.

Mucaaradka iyo Diidmada ka dhalatay:

In kasta oo dowladda federaalku ay ku tilmaamtay tallaabadan mid taariikhi ah, haddana waxaa si weyn uga hor-yimid qaar ka mid ah dowlad goboleedyada sida Puntland iyo Jubaland, iyo sidoo kale siyaasiyiinta mucaaradka. Waxay ku doodeen in isbeddelka dastuurka aan loo marin hab-raac la isku raacsan yahay, iyagoo u arka tallaabadan mid madaxweynuhu ku rabo inuu ku kororsado muddada xukunka.

Saxiixa madaxweynaha ayaa hadda ka dhigaya dastuurkan sharciga ugu sarreeya ee dalka, inkastoo laga cabsi qabo inuu dhex-dhigo dalka xasarad siyaasadeed oo cusub.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Duqeyn Sirdoon Oo Lagu Beegsaday Shir Al-Shabaab lahayd; 33 Lagu Dilay

Ciidamada amniga ayaa sidoo kale sheegay inay burburiyeen gaari nooca pick-up ah oo lagu rakibay qori culus.

  • Soomaliya

    22-04-2026

  • 08:37AM

Kooxda Xuutiyiinta oo ka Digtay Joogitaanka Israa'iil ee Somaliland

In kasta oo Somaliland ay ku dhawaaqday madax-bannaanida Soomaaliya sannadkii 1991-kii, haddana weli ma helin aqoonsi caalami ah.

  • Soomaliya

    19-04-2026

  • 02:07PM