Madaxweyne Xasan Sheekh " wadahadal ayaan la wadnaa Al-shabaab"

Image

April 5, 2015 (GO)- Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waraysi gaar ah oo uu siiyey laanta afka Soomaaliga ee idaacadda VOA, wuxuu uga hadlay arimo badan. Qodoaba ugu muhiimsan ee  Madaxweyne Xasan waraysigaas wax looga weydiiyey waxaa kamid ah:


Weerarkii Jaamacadda Gaarisa:

Madaxweynaha ayaa si kulul u cambaareeyey weerarkaas isagoo ku tilmaamey mid waxashnimo ah oo ujeedada laga leeyahay tahay in xasillooni darro laga abuuro Kenya layskuna diro shucuubta diimaha kala duwan haysata ee dalkaas ku nool.

"dhibaato ayaa gaartey dadka deggen Gaarisa, aad iyo aad baanu uga xunnahay waanuna ka tacsiyeyney...Shabaabku ajendaha ay weerarkaas ka lahaayeen waa in qas la geliyo Kenya, anaguna raali kama nihin in dadka Kenya laysku diro"

Shacabka Kenya wuxuu ugu baaqay inay midoobaan isagoo xusey in awoodda Al-shabaab maalinba maalinta ka dambeysey sii wiiqmeyso, waa sida uu hadalka u dhigaye.


Wadahadal u socda Dowladda Federaalka iyo Al-shabaab:

Xasan Sheekh ayaa sheegay in Dowladda Federaalku wadahadal hoose kula jirto saraakiil sare oo ka tirsan Al-shabaab.

Madaxweynuhu wuxuu sidoo kale sheegay in wada xaajoodku muddo dheer soo socdey, isagoo xusey in xubnaha dowladdu la hadleysaa yihiin kuwa ka tanaasuley fikirka xagjirnimada.

"waa jirtaa waa run, Soomaaliya istaraatiijiyad cad ayey ka leedahay arrintaas...anagu waan la wadnaa wadahadalka...ninkii fikirkaas kasoo noqdey oo colaad iyo dil ka soo hakadey ayaan la hadleynaa cafineynaa"


Derbiga Kenya ka dhiseyso xadka ay la wadaagto Soomaaliya:

Mar la weydiiyey Madaxweyne Xasan Sheekh waxa Dowladda Soomaaliya kala socoto derbiga Kenya sheegtay inay ka dhiseyso xadka ay la wadaagto Soomaaliya, wuxuu ku jawaabey in Kenya arrintaas waxba kala soo socodsiin Dowladda Federaalka.

"arintaas anaga si rasmi ah Dowladda Kenya nooma soo gaarsiin, saxaafada iyo meelahaas waan ka maqalney...waxa aan la dagaalameynaa waa fikir ma ahan ciidan habeysan oo duulaya oo meel deggen" ayuu yiri isagoo intaas raaciyey in mushkiladda dhanka ammaanka ee jirta aan derbi lagu xallin karin.

Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu sheegay in Al-shabaab halis ku tahay ammaanka gobolka geeska Afrika oo dhan, sidaas darteed loo baahan yahay in la dagaalankeeda si wadajir ah laysaga kaashado.

Saddex maalmood ayaa laga joogaa markii Al-shabaab weerar khasaare badan dhaliyey la beegsatey Jaamacadda Gaarisa ee gobolka waqooyi bari Kenya, weerarkaas waxaa ku dhintey 147 qof oo ardey u badnaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Midowga Afrika oo la filayo inay Banneeyaan Saddex Aag oo ku yaalla Shabeellaha Hoose

Hase yeeshee, dowladda federaalka ayaa hore u muujisay walaac ku saabsan awoodda ciidamada dalka ee ay hadda haystaan.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 09:10AM

Museveni oo Farta ku Fiiqay Sababta ugu weyn Khilaafaadka Soomaaliya, Baaqna u Diray Hoggaanka Dalka

Museveni ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu Madaxtooyada Entebbe kula yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 08:55AM