Xasan Shiikh oo ka dagey Kismayo, wasiir ka hadley [Dhageyso]
July 26, 2015 (GO)- Madaxweynaha dowlada Federaalka Xasan Shiikh ayaa maanta ka dagey xarunta maamulka Jubaland ee Kismayo halkaasoo kusoo dhoweeyeen madaxweyne Axmad madoobe, golihiisa wasiirada iyo xubno ka tirsan Bralamanka.
Safarka madaxweynaha Somalia ayaa waxaa ku weheliya wasiira Gashaandhiga iyo xubno kale oo ka tirsan xafiiskiisa.
Radio Garowe ayaa booqashadaan waxa uga waramey wasiir ku-xigeenka warfafainta maamulka Jubaland isaga oo shegeey in booqashada madaxweynaha Somalia khuseyso furitaanka tababarka ciidamada balse uu xiriirka labada dhinaca weli go'an yahay. DHAGEYSO
Booqashada madaxweynaha Xasaan Shiikh ayaa wararka ka imaanayaan xusayaan iney salka ku hayso tababar loo furayo 1200 Askari oo ka tirsan maamulka Jubaland kuwasoo qayb ka noqanayo ciidamada Federaalka Somalia iyo sidii maamulka Jubaland uga dhaadhicin lahaa ka qayb galka kulan la sheegey in magaalada Muqdisho loogu qabanayo maamulada Somalia.
Xasan Shiikh ayaa maamulka Axmad Madoobe oo horey u qaadacey ka qayb galka shirkaas ka codsan doona iney kasoo qayb galaan kulankaan la damacsan yahay maamulada qaybta ka ah dowlada Federaalka Muqdisho loogu qabto.
Dowlada Puntland iyo Jubaland oo aan ka qayb galin caleemo saarkii madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa kulan ay horey ula qaateen magaalada Garowe Ra'isal wasaare Cumar Cabdirashiid la socodsiiyey ineysan ka qayb galeen kulanka madaxweyne Xasan Shiikh damacsan yahay inuu ku qabto 29 Jull,2015 magaalada Muqdisho.
Kulankaan ayaa wararka laga helayo xusayaan in ilaa hada ay ka qayb galayaan madaxweynaha maamulka cusub ee lagu muran sanyahay Galmudug, madaxweynaha maamulka Koonfur galbeed iyo Gudoomiyaha gobolka Banaadir Muungaab.
Maamulka Jubaland ayaa horey xiriirka uga jarey dowlada federaalka Somalia kadib markii Barlamanka Muqdisho cod ay qaadeen ku timaameen sharci daro aqalka wakiilada Jubaland.
GAROWEONLINE ayaa idinla socodsiin doona wararka kasoo baxo kulamada labada dhinac wada qaadan doonaan saacadaha soo socda.