Madaxweyne Xasan Shiikh oo u ambaxey dalka Denmark

Image

Isniin, 17 Nov, 2014 [GO]- Madaxweynaha dowlada Federaalka Somalia Xasan Shiikh Maxamud ayaa saaka u ambaxey dalka Denmark magaaladiisa Copenhagen halkaas oo maalinta berri ah ka furmayo kulan beesha caalamka kaga hadleyso Higsiga cusub.

Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa safarkiisa waxaa ku wehliyey 7 Wasiir oo ka tirsan xubnihii ka codsadey hebeenkii xaley Ra'isal wasaaraha dowlada Somalia inuu is-casilo waxaana hurmuud ka ahaa Wasiirka Arrimaha dibada iyo kan arrimaha gudaha Godax.

  "Shirka Denmark waa ka weyn yahay khilaaf u dhexeeya labo qof balse waxaa looga hadli doono sidii dalka Somalia loo tageeri lahaa." sidaas waxa yiri Wasiirka arrimaha gudaha Godax oo kamid ahaa 14 xubnood ee ka codasdey inuu is-casilo Ra'isal waasre Cabdiweli Shiikh.

Gudoomiyaha Barlamanka Somalia iyo qaar ka tirsan Xildhibaanda tageersan mooshinka ka dhanka ah Ra'isla wasaaraha Somalia ayaa Madaxweyne Xasan Shiikh ku sii sagootiyey garoonka diyaardaha ee Muqdishu.

Shirka Copenhagen ayaa waxaa kasoo qayb galaya dalal iyo hay'ado tageera mashaariicda hurumarineed ee Somalia halka dowlada Mareykanka qaadacdey gabi ahaantiisaba.

Dowlada Mareykanka ayaa dalka Somalia ka tageerta dhinacyada dhaqaalaha iyo tageerada ciidamada dagaalka kula jira kooxaha Al-shabaab.

GAROWEONLINE

Related Articles

Al-Shabaab oo Ku Guuleystay Dib U Qabsashada Deegaanka Tardo ee Gobolka Hiiraan

Kooxda Al-Shabaab ayaa muddooyinkii u dambeeyay si isdaba joog ah u wadaysay olole dagaal oo ay ku doonayaan.

  • Soomaliya

    14-07-2025

  • 07:53AM

Maxaa sababay in Uganda ku baaqdo in Ciidamada Midowga Afrika ka baxaan Soomaaliya?

Gen. Muhoozi wuxuu sheegay in uu maqlay in Maraykanku uu si qarsoodi ah wadahadallo ula galay Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    14-07-2025

  • 07:27AM