Madfac "ay tuureen" ciidanka AMISOM oo habsaday guri rayid

Image

JOWHAR, HirShabelle – Dadka isku qoys ah ayaa lagu waramayaa in ay waxyeelo kasoo gaartay hoobiye ay ciidamadda AMISOM ku tuureen tuuladda Mishaani oo ku dhow degmada Janaale ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Geerida laba caruur ah iyo dhaawaca saddex kale oo ay kamid tahay hooyadood ayaa ka dhashay madfacaas ay tuureen ciidamadda AMISOM, sidda ay xaqiijiyeen illo wareedyo dadka degaanka iyo mas'uuliyiin ammaan.

"Falkaan wuxuu dhacay xalay abaare caweyskii. Ma garaneyno sababta ay ciidamadda howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM u tuureen madaafiicda mana maqal wax weerar ama rasaas ka horeysay hoobiyeyaasha," ayuu yiri sarkaal amni oo sababo ku aadan in aan loo ogoleyn in uu saxaafadda la hadlo uga gaabsaday in magaciisa loo adeegsado qalabka warbaahinta xorta ah.

Dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka HirShabelle ayaan wali war rasmi ah kasoo saarin falkaas mana ka jawaabin codsiyo loo diray.

Warsidaha Garowe Online ayaa isku dayay in uu xiriiro la sameeyo waaxda warfaafinta howlgalka AMISOM balse kama jawaabin dalabka.

"Dhaawaca saddexda kale oo hooyadda qoyska ku jirto waxay isugu jiraan qaar xaaladooda wanaagsan tahay iyo kuwa ay culus tahay, waxaana ay u baahan yihiin gargaar caafimaad oo deg-deg ah," ayuu yiri qof degaanka ah.

Dhacdooyinka noocaan oo ay ku lug-yeeshaan ciidamadda shisheeye ee waddanka jooga ayaa kiisaskii lasoo dhaafay waxaan loo baarin si daahfuran taas oo meesha ka saartey xuquuqda ama magdhow ay helaan dhibaneyaasha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo ku adkeystay hirgelinta doorashada lagu muransan yahay ee qof iyo codka ah

Si kastaba, inta badan odayaashii dhaqanka ee ka qeyb galay kulanka ayaa ugu baaqay Madaxweynaha inuu dib u eego mowqifkiisa.

  • Soomaliya

    28-04-2026

  • 01:16PM

Maxay tahay sababta dib loogu dhigay Doorashada Koonfur Galbeed?

Sida ku cad bayaanka rasmiga ah ee ka soo baxay guddiga, maalinta cod-bixinta ee guud ahaan Koonfur Galbeed ayaa loo weeciyay 10-ka May, 2026.

  • Soomaliya

    28-04-2026

  • 12:40PM