Madmadow ku geedaaman in uu xilligiisa ku furmayo Dhuusamareeb 3

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug – Hubanti la'aan ayaa soo wajahdey in uu xilligiisa ku qabsoomayo wejiga saddexaad ee Shirka Dhuusamareeb xilli waqtiga loo muddeeyay oo ah 15-ka bishaan August ay soo dhawaatay.

Ajendaha ugu culus ee shirkaan horyaala waa heshiis looga gaaro nooca doorashooyinka soo aadan, taasoo madaxda dowladda iyo maamuladda ay isku aragti ka noqon waayeen kulankii Dhuusamareeb 2.

Villa Soomaaliya ayaa riixeysa qof iyo cod, halka maamul goboleedyadda ay soo jeediyeen doorasho dadban, arrintaas oo ay taageereen xisbiyadda, halka beesha calaamka ku talisay nooc lagu wada heshiiyey.

Guddi farsamo oo ay u saareen kasoo talo-bixinta nooca coddeynta ayaa qorshuhu yahay in ay warbixin ku gudbiyaan Dhuusamareeb 3. Balse, dib u dhac ayaa soo wajahay shaqadii guddiga oo kala dhiman.

Xubnihii ay guddigaas u magacowdeen maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaanan ka qeybgelin shirarka guddiga ku yeeshay Muqdisho, arrintaas oo su'aal gelineysa warbixinta iyo in shirka xilligiisa ku furmo.

Saalax Axmed Jaamac, sii-haayaha Wasiirka Dastuurka federaalka kana mid ah xubnaha guddiga farsamada ee dhanka dowladda dhexe, ayaa ku adkeystay in uu shirka uu ku furmi doono waqtigii loo muddeeyay.

Mar ay BBC-da waydiisay sidda arrintaas ku dhici karto maadaama uusan jirin diyaar-garow, kulamada guddigana ka maqan yihiin labada maamul, Saalax ayaa ku jawaabay "ku talogalkeena waa sidaasi".

Isagoo la su'aalay maqnaanshiyaha xubnaha Puntland iyo Jubbaland, Mr Saalax ayaa carabka ku dhuftay in ay rajeynayaan in ay kaga daba imaan doonan magaalada Dhuusamareeb.

"Walaac naguma jiro, Ilaahey baa og wixii imaan doona; inta aan ku talojirno waa sidaas; hadii aysan imaan howlo kale oo xag ALLE ka socda," ayuu caddeeyay, isagoo meesha ka saarey in ay cabsi jirto.

Guddigaan kala dhiman ayaa isla maanta waxay Muqdisho kula kulmayaan xisbiyadda siyaasadda si ay uga talogelinayaa nooca lagu galayo doorashooyinka, wallow mowqifkooda ay horey uga dhawaajiyeen.

Yuusuf Garaad Cumar, wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya oo faalo ka qoray wadahadalka Dhuusamareeb 3, ayaa dhinacyadda ugu baaqay in uu ka tanaasulo mowqifkiisa shaac-baxsan si shirka u guuleyto.

"Berri iyo saaddambe oo keliya ayaa naga xiga 15-ka Agoosto. Haddii aan mucjiso dhicin, sansaanku uma eka in uu Shirka Dhuusa Marreeb uu furmi doono saakuun oo ah maalinta loo ballamay. Xataa marka uu qabsoomo, xal lama gaari doono haddii aan dhinac la imaan tanaasul," ayuu yiri.

Caqabadaha kale ee shirka ku hareereysan waxaa kamid ah ka qeyb-galayaasha oo dhinaca dowladda federaalka ah ee Soomaaliya u badan, arrintaas oo maamuladda qaar oo Puntland kamid tahay ay qoonsadeen.

Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa booqasho ku jooga Jabuuti, halkaasoo uu kula kulmay madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle. Lama ogga hadii ajendaha qeyb ka ahaayeen khilaafka doorashada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar iyo Jabuuti oo ku wada-hadlay Arrimaha Badda Cas iyo Damaca Itoobiya

Masar ayaa muujisay walaac weyn oo ku saabsan hadalada soo noqnoqda ee Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

  • Soomaliya

    25-04-2025

  • 08:19AM

Guddiga Kheyraadka Dabiiciga ah ee BFS oo ka hor yimid heshiiska shidaalka ee lala galay Turkiga

Xildhibaanada ayaa meel-mariyay heshiiska iyadoo aysan akhrin ku sameyn, waxaana soo baxay hadda wixii la qarinayay.

  • Soomaliya

    24-04-2025

  • 06:40PM