Madmadowga ku xeeran dib-u-furitaanka jidadka Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Kadib munaasabad lagu qabtay Muqdisho 13-kii October, 2020, ra'iisul wasaare Rooble ayaa shaaciyey in dib loo furay qaar kamid ah jidadka caasimada oo u xirnaa cabsida weerarada maleyshiyada Al-Shabaab.

Cabdi Xasan Maxamed, taliyaha bileyska oo isla xafladaas ka hadlay, ayaa buriyey hadalka wasiirka koowaad, isagoo daaha ka rogay in la khafiifiyey xayiraadii isu socodka magaaladda, waddooyinka harsan la furi doono dhowaan.

24-kii bishaan October, 2020, dowladda ayaa bilowday in ay dhegxaantii ka qaado wadada Cabdiqaasim ee aada isgoyska Tarbuunka, halkaasoo ku dhowaad sideed sano u xirneyd safaaradda Qadar oo la wariyey in ay ka guurtey.

Lama ogga goobta kale ee ay haatan degtay safaaradda xukuumada Dooxa oo xulafo dhow la ah dowladda waqtiga kasii dhamaanayo ee Farmaajo.

Talaabooyinkan taxanaha ah oo yimid xilli dalka u dareerayo doorasho ayaa dhaliyey su'aallo ay kamid yihiin; Maxaa xilligaan kusoo beegay? Ma laga gun-gaarey sababtii loo xiray? Ma olole doorashaa? Ma dhabaa in xukuumadii hore lagu sawir-xumeynayo?

Cabdisalaan Guuleed, taliye ku xigeenkii hore ee Sirdoonka Soomaaliya oo ka jawaabay qaar kamid ah su'aalahaan, ayaa aaminsan in ay tahay olole doorasho iyo xeelad la doonayo in lagu sawir xumeeyo xukuumadii hore.

"Dowlad kasta ama maamul kasta marka uu doorasho galayo wuxuu isku dayaa in uu weji cusub la yimaado," ayuu u sheegay telefishinka maxaliga ah ee Goobjoog.

Wuxuu ku daray: "Laakiin, waxaan u maleynayaan in quruxda ay doonayaan in aysan heli doonin maadaama waqti uusan waqti harin, saddex sano iyo barna ay dadka ku nool Muqdisho taabatay xanuunka iyo dheefta dowladnimadda oo jidadkii laga xiray lana caburiyey".

Wallow uu qiray in Rooble ay u tahay mid uu sumcad ku heli karo, Guuleed oo xusay in uusan ahayn go'aan isaga kasoo fulay ayaa tibaaxay in uu gaarey taliyaha hay'adda sirdoonka qaranka, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

"Haa, xogta aan hayaba waxay sheegeysaa in dhegxaantan uu lahaa Wasiirkii Amniga, Maxamed Abuukar Islow Ducaale," ayuu hadalkiisa intaas ku daray, isagoo nasiib daro ku qeexay in dowladnimada laga macaasho.

Islow oo haatan kamid ah Golaha Shacabka baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya isla markaana kamid ah saaxiibadda aadka ugu dhow murashax Khayre ayaan marnaba ka jawaabin ama soo hadal-qaadin eedeyntaan culus.

Guuleed ayaa si lamid ah tuhunsan in jidadka lagu furay heshiis ay dowladda la gashay Al-Shabaab in aysan fulin weeraro ama in la doonayo in marka argagixisada weeraro fulisay loogu qiil dayo xirnaanshiyaha jidadka.

Ammaanka ayaa kamid ah caqabadaha ugu waaweyn ee wali ku wareegsan coddeynta 2020-21. Murashaxiinta waxay ka baqayaan in dowladda ku adeegsato xasaanadeeda, halka Beesha Caalamka ka digeyso dhex-milanka Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM