Madxweynaha dowlada Federaalka oo hortagey Barlamanka Somalia

Image

MUQDISHO 30 June,2015 (GO)- Madaxweynaha dowlada Federaalka ayaa maanta hortagey Barlamanka Somalia isagoo halkaas ka akhriyey khudabd dhinacyo badan taabaneysa.

Xasan Shiikh ayaa Barlamanka Somalia kala hadley dhaqaale xumo uu sheegey iney haysato dalka iyo higsiga 2016 oo muddo kooban ka dhiman tahay.

" Arrimaha dib u qaabeynta maamulka maaliyada qaranka, dalkaan waxaan nimidey xili ay dhibaato badan ka jirto maaliyada, maareynta maaliyada dowlada waa waxa hadda diirada dowlada saaran tahay, wax badan waa lasoo saxey, weli ma gaarsiisna meeshii aan la jeclaan laheyn, wasaardeena maaliyada isbadall xoog leh ayaa ka sameysmey." ayuu yiri madaxweyne Xasan Shiikh isaga oo ka hadlayay arrimaha maaliyada.

Dhinaca kale Madaxweynaha dowlada Federaalka ayaa ka hadley guulaha dowlada ka gaartey la dagaalanka Al-shabaab iyo ilaalinta midnimada dalka isaga oo sheegey in kala qaybsanaanta dalka Woqooyi iyo Koonfur macno badan laheyn.

Hadalka madaxweynaha dowlada Federaalka ka jeediyey Barlamanka Somalia hortiisa ayaa yimid maalmo kadib marki ay soo baxeen warar sheegaya in misaaniyada dalka lagu takri faley.

Madaxweynaha dowlada Federaalka ayaa lagu eedeeyey in lacago farabadan siiyey Wasiirkii hore ee amniga Somalia Cabdikarim Guuleed kaasoo u sharaxan xilka madaxtinimada maamulka loo dhisayo gobolada dhexe ee Somalia halka warar kale sheegayaan in xildhibanaada Barlamanka diyaarinayaan mooshin ka dhan ah madaxa xafiiska ugu sareeya dalka.

HALKAN KA DHAGEYSO KHUDBADA MADAXWEYNHA- XIGASHO VOA

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo baajiyey safar uu ku tegi lahaa Ruushka xilli uu isa soo tarayo Cadaadiska Uganda

Hase yeeshee, Madaxweyne Museveni ayaa la sheegay inuu diiday codsigaas, isagoo sabab uga dhigay caqabado dhaqaale.

  • Soomaliya

    28-10-2026

  • 05:28AM

Ciidamada Midowga Afrika oo la filayo inay Banneeyaan Saddex Aag oo ku yaalla Shabeellaha Hoose

Hase yeeshee, dowladda federaalka ayaa hore u muujisay walaac ku saabsan awoodda ciidamada dalka ee ay hadda haystaan.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 09:10AM