​Magaca Maamulka cusub ee Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe oo la shaaciyay

Image

JOWHAR, Somalia- Ergada maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, ee ku shirsan magaalada Jowhar, ayaa caawa isku raaceen in magac cusub oo yeelanayo maamulka shirkiisu socdo.

Magaca maamulkaasi ayaa laga dhigay Hir-Shabeelle.

Odayaasha ayaa sidoo kale maanta isku raacay, in Jowhar noqoto caasumadda maamulkan la dhisayo iyadoo maalmaha soo socdo meelmarin doonaan Dastuurkiisa.

Calanka Hir-Shabeelle ayaa ah mid u eg calanka dalka Somalia oo qeybta danbe lagu daray Webi iyo Geed, oo la micno ah Beeraha iyo Wabiga mara labada gobol.

Wararka ayaa sheegaya in Ergada uu ka dhexjiro Guux xoogan ah in Howsha ay qabanayaan lagu cadaadinayo, islamarkaana aysan ka hadlin karin waxyaabaha masiirkooda ah.

Madaxweynaha uu waqtigiisa dhamaaday Xasan Sheekh ayaa lagu eedeeyay inuu dedejinayo Shirka Jowhar, oo uu doonayo in maamulka cusub noqdo mid hogaankiisa majaraha u haayaan rag kamid ah xulufadiisa siyaasadda.

Ergadu waxay sheegeen in mas'uuliyiinta u maamulaysa Xasan Sheekh shirkaasi kusoo dareen Ergada Odayaal Cusub oo aan horey ugu jirin liiska, taasoo ay ka dhalatay buuq xoog leh.

GAROWEONLINE

Related Articles

FBI-da Mareykanka oo Liiska Dadka Ugu Doon-doonista Badan ku Dartay Nin Soomaali ah

Kash Patel, ayaa sheegay in eedeysanaha oo lagu magacaabo Fahad Maxamed Nuur uu qayb ka yahay shakhsiyaadka hay’addu ay baadigoobka weyn ugu jirto.

  • Soomaliya

    08-07-2026

  • 06:59PM

Puntland iyo Jubbaland oo hal sabab uga baaqday shir Turkiga ku qabanayo Muqdisho

Turkiga ayaa muddo dheer door muuqda ku lahaa arrimaha Soomaaliya, isagoo bixiyay taageero dhinacyada amniga.

  • Soomaliya

    07-07-2026

  • 01:43PM