​Mahad Cabdalla Cawad oo lagu doortay Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia- Mahad Cabdalla Cawad, guddoomiye ku-xigeenkii hore Barlamanka waqtigu ka dhammaaday ee Somalia, ayaa ku guuleystay Kuriga 1-aad Doorashada Aqalka hoose ee ka socoto Muqdishu.

Cawad, ayaa helay 50 Cod, halka Xasan Maxa'ed Nuur oo la tartamayay uu la yimid 1 Cod oo kaliya.

Mudanahan, ayaa helay kursi kamid ah Kuraasta Beelaha Gobollada Waqooyi ee Somaliland, wuxaana isagoo ka hadlay Guushiisa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in markale noqdo Xildhibaan Qaran.

Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka dadban ee Somalia, Abukaate Cumar Dhagey ayaa ku sugan Goobta Doorashada ay ka socoto oo ah Xarunta Gaadiidka Booliska ee Degmada Cabdicasiis ee Gobolka Banaadir. 

Xildhibaanka la doortay, ayaa Puntland kaga guuldarraystay inuu helo kursiga Aqalka Sare.

Dhinaca kale, waxaa Goobta lagu doortay Mahad Cabdalla Cawad ka dhacaysa Doorashada Kuraasta Aqalka Hoose, ee Beelaha Banaadiriga, oo ka helay Baarlamaanka Federaalka 5 Kuris.

Guud ahaan Doorashada Aqalka Hoose ee ka socoto dalka waxaa illaa hadda la doortay 175 Xildhibaan, oo qeyb ka ah 275-ka Xildhibaan ee Baarlamaanka Federaalka Somalia.

Doorashada Madaxweyne ee lagu balansanaa inay dhacdo Maanta (30 November, 2016), ayaa mar 3-aad baaqatay, waxaana looo sababeeyay Hanaanka Gaabiska ku socdo ee Doorashada Aqalka Hoose.

GAROWEONLINE

Related Articles

Duulimaadyadii ugu horreeyay ee xujeyda Soomaaliyeed oo gaaray dalka Sucuudiga

Maamulka garoonka Maddiina ayaa sheegay in habraacyada gelitaanka xujeyda Soomaaliyeed loo fuliyay si hufan.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 11:20AM

Safiirka UK oo Muqdisho ku tilmaamay mid ka mid ah goobaha ugu khatarta badan dunida  

Safiirka ayaa ku dhuftay in wadashaqayn dhow oo ay la leeyihiin dowladda Soomaaliya, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-05-2026

  • 01:41PM