Mahad Salaad: DF kama bixin heshiiskii ay la gashay Ahlusuna

Image

January 19, 2015 (GO)- Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay inaysan ka bixin heshiiskii ay horay ula gashay Ahlusuna Waljamaaca.

Sii hayaha  xilka ku-xigeenka wasiirka arimaha dibada Soomaaliya Mahad Maxamed Salaad oo warbaahinta gudaha la hadlay isagoo Dhuusomareeb ku sugan ayaa sheegay in Dawlada Federaalku ilaalinayso heshiiskii labada dhinac wada gaareen sanadkii 2013.

"Heshiiskii 2013 Dowlada Federaalku way tixgelineysaa diyaar bayna u tahay taaba gelinta inta dhiman heshiiskaas, Ahlusuna way ku mahadsan tahay garab istaaga dowladda duruufihii adkaa ee ay soo martay" ayuu yiri Mahad Maxamed Salaad.

Dhamaadkii sanadkii tgay ee 2014 ayaa khilaaf soo kala dhexgalay Dawlada Soomaaliya iyo garab ka tirsan Ahlusuna, khilaafkaas oo sababay gacan ka hadal khasaare dhaliyey oo ka dhacay degmda Dhuusomareeb iyo deegaano kale oo ka tirsan Galguduud.

Dowladda Soomaaliya iyo Ahlusuna Wal-jameeca ayaa bishii June ee sanadkii 2013 heshiis kula gashay degmada Caabudwaaq, iyadoo Maamulka Ahlusuna uu horay ugu eedeeyey dowladda inay heshiiskaas baal martey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Duqeymo Xooggan oo Ka Dhacay Xuduuda Galgadud iyo Shabeellaha Dhexe

Toddobaadyadii ugu dambeeyay, Taliska Afrika ee Mareykanka ayaa shaaciyay falal duqeyn ah oo ka dhacay meelo kale oo dalka ah.

  • Soomaliya

    30-08-2025

  • 02:35PM

Xasan Sheekh oo Hambalyo U Diray Madaxda Cusub ee Maamulka Loo Dhaawaaqay Laascaanood

Ugu dambeyn, Madaxweynaha ayaa ugu baaqay shacabka iyo hoggaanka cusub ee Laascaanood inay xoojiyaan midnimada iyo wadajirka.

  • Soomaliya

    30-08-2025

  • 02:10PM