Mahad Salaad: Farmaajow Kenya ayaa cadow nagu ah cod ku heli meysid

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Xiisada diblumaasiyadeed ee dowladda Soomaaliya abuurtay markii ay eriday safiirka Kenya waxay qeyb ka tahay qorshaha Farmaajo ee doorashooyinka 2020-21, sidda uu sheegay Xildhibaan.

Mahad Maxamed Salaad, mudane ka tirsan Golaha Shacabka baarlamaanka federaalka, ayaa ku booriyey madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaadka yahay in uu joojiyo "boor isku qariska iyo been abuurka".

Sidda laga soo xigtay sharci-dejiyaha, ergayga Kenya ayaa kal hore ku laabtey dalkiisa, halka danjireena Nairobi uu Muqdisho ku joogo.

"Waxan maqli jiray “Habar dhali waysay aleelo ku waalatay”. Inta aan ognahay Kenya waxba kama halleyn Soomaaliya, marka laga reebo in ay ka diiday Farmaajo in ay u soo afduubaan Madaxweyne Axmed Madoobe una keenaan isagoo lugaha iyo gacmaha ka xiran," ayuu kusoo xiray Facebook.

Wuxuu raaciyey: "Waxa kale oo ceeb iyo foolxumo ah, ayna ahayd in laga xishoodo safiirka Kenya ee la sheegay in uu dalka isaga baxo maba jooga Soomaaliya oo mar hore ayuu dalkiisii u laabtay, safiirkeenii Kenya inoo fadhiyeyna Muqdisho ayuu dhex meeraysanayaa!".

"Farmaajow waan ku ognahay 2017 Itoobiya ayaa CADOW ah in aad doorasho ku gashay, marka 2020 Kenya ayaa CADOW ah cod nooga heli meysid ee beenta iyo boor isku qariska maad naga dhaaftid walaalow!," ayuu kusoo xiray.

Dowladda Soomaaliya ayaa habeenimadii Axada, 29-ka Novemebr, 2020, waxay fartay in uu dalkiisa ku laabto danjiraha Kenya, Lucas Tumbo iyaddoo u yeertay safiirkeeda Nairobi u fadhiya Amb Maxamed Axmed Nuur.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa Kenya wxuu ku eedeeyay "faragelinta arrimaha gudaha iyo in ay ku cadaadineyso hogaanka Jubaland in ay diidaan fulinta heshiiska doorashooyinka".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaxootiga Cadaanka Koonfur Afrika oo soo gaaray Mareykanka

Markii ay soo gaareen garoonka Washington Dulles International Airport ee Virginia…

  • Soomaliya

    13-05-2025

  • 06:59PM

Diblomaasiyiinta Beesha Caalamka oo ka xumaadey Khudbad Xamse ku weeraray Axmed Madoobe

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa qabtay dhamaadkii sanadkii hore doorasho dadban oo isaga kusoo baxay markii 3aad.

  • Soomaliya

    13-05-2025

  • 10:20AM