Mahad Salaad: Agaasimaha cusub ee NISA oo xilal magacaabay

Image
Garowe Online ayaa qaadaadhigaya xogta magacaabida Cabaas Yacquub iyo Cabdullaahi Cabdiraxmaan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Agaasimaha cusub ee sirdoonka Soomaaliya, Mahad Maxamed Salaad, ayaa dalac-siiyey Cabdullaahi Cabdiraxmaan iyo Cabaas Yacquub oo ku dhowaa maamulkii Fahad Yaasiin, sida uu ogaadey Garowe Online.

Cabaas Yacquub ayaa, sidda muujineyso macluumaadka uu helay GO, waxaa laga dhigay madaxa maamulka iyo maaliyadda ee NISA, halka Cabdulaahi Cabdiraxmaan loo xushay madaxa qeybta wardoonka ee isla hay'adda dhexdeeda.

Cabdiraxmaan ayaa horey soo noqdey maamulaha machadka cilmi-baarista iyo tababaradda ee NISA, halka Yacquub uu soo qabtey jago kale oo ah taliyaha guud ee ciidamadda gaarka ah ee hay'adda mukhaabaraadka Soomaaliya.

Talaabadan ayaa kusoo beegmaysa xilli Mahad uu dhowaan kasoo laabatay safar uu ku wehliyey madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud kuna tagay dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta.

Socdaalkaas ayaa fursad u ahaa dib-u-hagaajinta cilaaqaadka Muqdisho iyo Abu Dhabi kaasoo meeshii ugu hooseysay gaarey shantii sano lasoo dhaafay oo uu jiray maamulkii Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Farmaajo ayaa si weyn loola xiriiriyaa Qadar. Fahad Yaasiin Daahir, agaasimihii hore ee hay'adda NISA waxaa la fahansan yahay in uu bud-dhige u ahaa cilaaqaadkaas ku dhisnaa in Muqdisho ay fulineyso danaha Dooxa ee dalalka Khaliijka.

Yacquub ayaa lagu waramay in uu ahaa shaqsigii gacanta ku hayey galka askarta Soomaaliyeed ee sida qarsoodiga ah loogu diray Eritrea halkaasoo qaarkood ay ugu dhinteen culeyska tababarka, kuwana ay xaalad dabiici ah ugu geeriyoodeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Masar oo ka hadashay Qaraxii lala eegtay Dhalinyarada qoranaysay Askarta

Bayaanka Masar ayaa si cad u sheegay taageerada dowladda Masar ee hay’adaha Soomaaliyeed, gaar ahaan ciidanka iyo ciidamada amniga.

  • Soomaliya

    19-05-2025

  • 12:56PM

Milanka Al-Shabaab ee Ciidanka Qaranka oo Walaac Dhalinaya Kadib Dilalka Taliyeyaal Sare

Khabiirada amniga ayaa si isa soo taraysa uga digaya in Al-Shabaab ay si qoto dheer ugu milantay Ciidanka Qaranka.

  • Soomaliya

    18-05-2025

  • 04:26PM