Mahad Salaad oo Dib Loogu Magacaabay Agaasimaha NISA, Qorshaha Villa Somalia oo Hirgalay

Image

Muqdisho – Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah u ansixiyey magacaabista Mahad Maxamed Salaad inuu noqdo Agaasimaha cusub ee Hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), kadib soo jeedin ka timid Wasaaradda Amniga Gudaha.

Magacaabista Mahad Salaad ayaa timid xilli uu jiray warbixin hore oo ay shaacisay Garowe Online, taasoo muujinaysay qorshaha Villa Somalia ee lagu beddelayo Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xilkan hayay, si dib loogu soo celiyo Mahad Salaad — siyaasi si weyn ugu dhow Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, kana mid ah shakhsiyaadka xiriirka dhow la leh dowladda Masar.

Xil ka-qaadista Sanbalooshe oo kasoo jeeda gobolka Hiiraan ayaa sidoo kale kusoo beegantay xilli gobolkaasi ay ka socdaan dagaallo culus oo u dhexeeya Macawiisleyda deegaanka iyo kooxda Al-Shabaab.

Tallaabadan ayaa kusoo beegmeysa iyadoo mucaaradka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay dhowaan soo saareen qoraal rasmi ah oo ay si cad ugu diideen qorshaha Villa Somalia ee la xiriira doorashooyinka, iyaga oo ku eedeeyay Madaxweynaha in uu doonayo muddo kororsi, iyadoo muddo xileedkiisa ay ka harsan tahay wax ka yar hal sano.

Isbeddelkan ayaa loo arkaa mid Villa Somalia kaga gol leedahay in ay xoojiso gacan-ku-haynta hay’adaha amniga dalka, gaar ahaan xilli ay sii kordhayaan cadaadisyada siyaasadeed iyo walaaca laga qabo mustaqbalka doorashooyinka dalka.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM