Ku-xigeenka Barlamanka oo digniin u direy xildhibaanada [Dhageyso]

Image

27 August, 2015 (GO)-Gudoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamanka Somalia Mahad Cabdalla Cawad ayaa ku eedeeyey xildhibaanada Somalia in aysan wax badan ka qaban shaqadii loo igmaday.

Mahad waxaa uu sheegay in dadka ku jira xabsiyada dowladda aysan ku jirin dad loo soo xiray musuq maasuq, taasna ay muujineyso in wax shaqo ah aysan qaban cidii loo xirsaaray oo baarlamanku qeyb ka yahay.

"Hadii xukuumadu tiri maanta wixii ka dambeeya ma lagu qaadi karo sifo aan sharci ahayn waxaas, mana lagu bixin karayo sifo aan sharci ahayn, baarlamaankana gaarey xukuumada gaarey ayna fuleyn, hadde arinta waxay u baahantahay in si hoose la isu weydiiyo, waa arin talo u baahan, hadii aan arinta wax laqaban ugu yaraan sanadka noo harey Somalia meel halis ah ayaan u dirney"Ayuu yiri Mahad Cabdalla.

Hadalkan ayuu ka jeediyay kalfadhiga 6-aad ee baarlamaanka Somalia oo shalay ka qabsoomey Muqdisho, waxuuna ku soo beegmayaa xilli uu jiro musuq maasuqu ku baahay hay'adaha dowladda.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo ka walaacsan firaaq amni kadib go'aanka Mareykanka

Mareykanka ayaa sheegay in wixii ka dambeeyay December 2026 jarayo lacagtii uu ku bixin jiray howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 11:38AM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tacsi ugu tegay Amiirka Qatar geerida Amiirkii hore

Kulanka waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Ku-xigeenka Amiirka Qatar, Sheekh Cabdulla bin Xamad Aal Thaani.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 05:13AM