Mahdi Guuleed oo raaligelin siiyey mucaaradka

Image
Image

GAROWE, Puntland - Ra'iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed [Khadar], ayaa raaligelin ka bixiyey hadalkii dhowaan uu sheegay ee ahaa in ay wareega koowaad ku adkaan doonan doorashooyinja 2020-21.

Mahdi ayaa raaligelinta ku bixiyey dood uu kaga qeybgalay Madasha Aragti Wadaaga Heritage ee magaaladda Garowe.

Sidda laga soo xigtay sheegashadiisa, raaligelinta ayaa si toos ah ugu socota xubnaha Midowga Musharaxiinta Soomaaliya.

"Waxaan rabaa in aan shiweynahaan uga faa’iideysto in aan raalligelin ka bixiyo hadal aan horay u iri oo ahaa: wareegga koobaad ayaa lagu kala baxayaa. Arrintaas xaal iyo raalligelin ayaan ka bixinayaa. Musharraxiiney raalli ahaada. Ha baqanina, wareeggii koobaad xaal baa laga bixiyay. Garoonku waa noo wada furan yahay, ee soo diyaargarooba," ayuu yiri.

Bishii hore ee November 18-keeda, isaga oo ka hadlayey Tiyaatarka Qaranka, Mahdi ayaa sheegay in Farmaajo uu ku guuleysan doono doorashadda wareega koowaad isaga oo tusaale u soo qaatay coddeyntii Galmudug iyo Koonfur Galbeed.

Villa Soomaaliya ayaa faragelisay doorashooyinkii Koonfur Galbeed iyo Galmudug waxaana ay kusoo saaratay musharaxiintii ay wadatay.

Dhawaqa Mahdi ayaa dab kusii shiday tuhunka Murashaxiinta ee ku aadan in maamulka Farmaajo uu maleegayo in uu ku shubto coddeynta.

Raaligelinta uu Mahdi Maxamed Guuleed ka bixiyey ayaa kusoo hagaageysa xilli is-mari-waaga ka taagan doorashooyinka 2020-21 la iskuna hayo guddiga maamulaya coddeynta iyo ciidamadda ku sugan gobolka Gedo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jubbaland: Soomaaliya waxay wajahaysaa khatar kali-talisnimo iyo burbur ku yimaada federaalka 

Doorashooyinka la qorsheeyay ayaa dalka ka saari lahaa nidaamka beelaha kuna bedeli lahaa cod-bixin guud.

  • Soomaliya

    15-05-2025

  • 02:21PM

Farmaajo: Xasan Sheekh wuxuu si ula kac ah ugu tuntay Dastuurka Soomaaliya

Farmaajo ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku kacay falal ka hor imaanaya dastuurka.

  • Soomaliya

    15-05-2025

  • 09:45AM