Mahdi Guuleed oo telefoonka kula hadlay ra'iisul wasaaraha Lubnaan

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Ra'iisul wasaaraha ku meelgaarka ah ee Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed Khadar, ayaa shaaciyey in uu khadka telefoonka kula hadlay dhigiisa waddanka Lubnaan, Xasan Diab.

Mahdi oo qoraal soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Twitter-ka ayaa shaaca ka qaadey in wadahadalkooda oo ku saabsanaa qaraxyadda xooggan ee gilgilay magaalada Bayruud ee dalkaas.

Sidda laga soo xigtay kusimaha ra'iisul wasaaraha, Soomaaliya ayaa ku garab istaagi doonta Lubnaan taageero wixii karaankeeda ah.

"Waanu u baroonaneynaa calanka Lubnaan, waxaana ugu duceynaynaa soo kabasho deg-deg ah dhamaan kuwa dhaawacmay, inta dhimaneyna naxariista EBBE baan u rajeynaynaa," ayuu tibaaxay.

Inta la xaqiijiyey 73 qof ayaa ku dhimatay, halka kumanaan kale ay ku dhaawacmeen laba qarax oo ka dhacay dekada Bayruud kuwaasoo burbur ka geystay meel masaafo ahaan ka fog marsadda.

Sidda ay warbixinadda qaarkood tilmaamayaan, qaraxyadda ayaa ka dhashay keyd walxo qarxa oo dowladda gacanta kusoo dhigtay.

Michel Aoun, madaxweynaha Lubnaan oo carabka ku dhuftay in la shaacinayo laba maalmood oo baroor-diiq ah, ayaa xusay in wax la aqbali karo aysan ahayn 2,750 tan walxo qarxa ay lix sano meel ku jiraan.

"Kuwii mas'uulka ka ahaa waxay wajihi doonan ciqaabta ugu adag," ayuu ka yiri telefishinka ku hadla afka dowladda Lubnaan.

Qaramadda Midoobay oo midnimo u muujisay dowladda iyo shacabka Lubnaan ayaa hoosta ka xariiqdey in ay diyaar u tahay door ay ka qaadato ololaha gargaarka ee socda inta lagu gudda jiro mar-xaladan adag.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hay’adda Sirdoonka oo sheegtay in sagaal dagaalyahan oo Al-Shabaab ah la dilay

Howlgalkii labaad ayaa ka dhacay agagaarka Tugaareey, halkaas oo maleeshiyaadku ku dhuumaaleysanayeen kayn.

  • Soomaliya

    04-04-2026

  • 03:07PM

Sarkaal Sare oo ka Tirsan Al-Shabaab oo Gacanta lagu Dhigay

Taliyaha Qaybta Koobaad ee AUSSOM, Jackson Kayanja, ayaa ku bogaadiyay ciidamada wadajirka ah guusha ay ka gaareen howlgalkan.

  • Soomaliya

    04-04-2026

  • 12:11PM