Mahdi oo xariga ka jaray qeyb cusub oo laga dhisay Isbitaalka Banaadir

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Munaasabad xarigga looga jarayay furitaanka qeyb cusub oo ay dib u dhis ku sameysay Shirkada Hormuud ayaa lagu qabtay Isbitaalka Banaadir ee magaalada Muqdisho.

Sii hayaha xilka Raysal Wasaaraha xukuumada federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed oo ay wehliyaan qaar kamid ah golaha Wasiirada ayaa maanta si rasmi ah xarigga ka jaray qeybtan cusub ee lagu soo kordhiyay Isbitaalka Banaadir.

Cali Sheekh Yaasiin (Cali Fadhaa) oo ah mas’uul katirsan Shirkada Hormuud ayaa ka war bixiayay heerarkii uu soo maray hirgalinta qeybtan cusub ee loogu tala galay in lagula tacaalo dadka qaba Covid-19.

Wasiirka Caafimaadka Xukuumada Federaalka Soomaaliay Drs Fowziya Abiikar Nuur oo iyana goobta ka hadashay ayaa uga mahadcelisay Shirkada Hormuud kaalinta ay kaqaadaneyso hormarinta adeegyada bulshada oo caafimaadku ugu horeeyo.

Mahdi Maxamed Guuleed sii hayha xilka Raiisul wasaaraha dalka oo xariga ka jaray Isbitaalkaasi cusub ee lagula tacaalayo Covid-19 islamarkaana ay dib u dhis ku sameesay shirkada Hormuud ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay shaqada muhiimka ah oo shirkadda Hormuud dadka u heyso, wuxuuna tilmaamay dhismahaan Isbitaalka uu kusoo aaday xiligii loogu talagalay.

Shirkada Hormuud oo ka duulaysa qatarta caafimaad ee uu xambaarsan yahay cudurka covid-19 oo saameyn xoog leh ku yeeshay wadamo badan oo caalamka ka mid ah ayaa u istaagtay hir-galinta xarun caafimaad oo lagula tacaalayo dadka uu soo rito cudurkaasi saf-mareenka ah.

Qaybtaan cusub ayaa loo dhammaystiray dhammaan agabyada caafimaaad ee qol waliba loogu tala galay, iyadoo loo dhisay qaab casri ah, waxaana dhistay Shirkadda dhismaha ee Buruuj.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku baaqay kulan Gollaha Mustaqbalka

Madaxtooyadu waxay sheegtay in ajendaha kulanka uu ku saleysan yahay dardargelinta geeddi-socodka dowlad-dhiska.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 08:07PM

Markab Shidaal oo laga Afduubtay Xeebaha Yemen, loona leexiyay dhanka Soomaaliya

Ilaa iyo hadda lama shaacin cidda ka dambeysa afduubka, waxaana socda baaritaanno dheeraad ah oo arrintan la xiriira.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 02:20PM