Maraakiib miinooyin "ku burburineysa" jamaladda badda Soomaaliya
MUQDISHO, Soomaaliya – Maraakiib shisheeye ayaa miinooyin waxay ku burburineysaa Jamaladda badda Soomaaliya, sidda uu shaaca ka dhigay mudane ka tirsan Golaha Shacabka baarlamaanka federaalka ah ee waddanka.
Xildhibaan Cabdi Cali oo shalay ka hadlayey fadhigii Aqalka Hoose ee looga doodey Sharciga Burcad-badeedka, ayaa ku sifeeyay hindise-sharciyeedkaas "mid waqti qaldan yimid una baahan qeexitaan dheeriya".
Sharci-dejiyaha oo rumeysan in xukuumadda "looga soo yeeriyay" Xalane ayaa ku qeexay "mid lagu handadayo oo lagu xakameynayo kalluumeysatada Soomaaliyeed oo hadda quus ka taagan in ay jilaabtaan".
"Sharciga ujeedadiisa ay ku qeexan tahay wiilasha Soomaaliyeed hala soo qabto tuugo waaye, wasiirka kusoo qoray, in sharcigaan burcad-badeeda qeexidiisa intaan ay ka balaarato oo ay noqoto cidda baddeena kalluunkiisa boobeysa, cidda qashinka ku gureysa," ayuu yiri.
Intii doodu socotay, mudaneyaal ayaa ciidamadda caalamiga ah ee ilaaliya xeebaha waddanka ku sifeeyay "burcad-badeeda dhabta ah". Waxay ku eedeeyeen in ay ku lug-leeyihiin kalluumeysiga sharci darada ah.
Sidda laga soo xigtay Cabdi Cali, ciidankaan "ka shaqeynaya in shan sano kadib aan kalluun laga helin badeena" ayaa ku lug leh burburinta meelaha laga helo Aargoosatada iyo Koorarka kaluunka gabaadka u ah.
"Hadda waxay mareysaa mudane gudoomiye in aad timaadaan xeebta Liido, Jaayaa daadsan; Jaaygii banaanka loo doonanayey, xeebtii caradda ahayd Jaayaa soo buuxiyey magaraneysaan wuxuu yahay? Maraakiibaa Jamaladeenii burburineysa. Bahalka 'Coral' loo yaqaano ee kaluunka in uu ku noolaado loogu talagalay waa la burburinaayaa; 30-kii maraakiib aan siinay heshiiska miyaa, kuwa kale oo aanan siinin oo burcad-badeed ah miyaa; aargoosatada Jamalada hoosteedaa laga raadiyaa; Jaaygii ayaa hadda Miinooyin lagu burburinayaa; baddeena miinooyin ayaa lagu qarxinayaa, waxaa ka garaneysaa Jaayga xeebta yimid ee buuxsami karo goordhow," ayuu ka dhawaajiyey.
Jaayga laga helo badda ayaa ka tayo iyo ka qiimo badan kan banaanka laga helo, wuxuuna dhanka kale fursad u yahay dadka guryaha dhisa.
"Xataa maraakiibta ururkan Atlanta la yiraahdo ee badda ka ilaaliya burcad-badeedka loo sameystay [muuqaalo] waxaa ku jira YouTube-ka iyagoo maraakiibtii kaluunka ka qaateen kala wareegaya sanduuqyo lacag ah, ujeedadkuna ay tahay in maraakiib hub loosoo saartay in baddeena la xado," ayuu ka shanqariyey.
Biyaha Soomaaliya ayaa loo aqoonsaday mid kamid ah baddaha caalamka ee ay ka dhacaan xadgudubyadda ugu balaaran gaar ahaan kalluumeysiga sharci daradda, mana jirto dowlad awood u leh in ay wax ka qabato.
GAROWE ONLINE