Maraykanka: Alshabaab Waxay biloowday adeegsiga drones-ka

Image
Walaaca xukuumadda Washington ayaa kusoo beegmaya xilli maleyshiyadda ay sarre u qaadey weeraradeeda.

WASHINGTIN, USA - Mas’uul sare oo ka tirsan dowladda Maraykanka ayaa u sheegay shirka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay in ururka Alshabaab ay haatan biloowday adeegsiga tijnoolajiyadda si ay u Filish weeraro lagu hoobto. 

Mudane Jeffrey DeLaurentis oo ah la taliye sare oo ka tirsan xafiiska ergada Maraykanka u fadhida Qaramada Midoobay ayaa sheegay in Alshabaab ay haatan isticmaalayso diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee drones ka si ay u sahmiyo, islamarkaasna u hesho xogo sirdoon oo ku aaddan bartilmaameedyads nugul. 

Weerarkii ugu dambeeyay ee ay xarakada qaadday ayaa ahaa kii 30ka saacadood socday ee hotel Xayaat oo ay dad badan ku waxyeeloobeen, waxaana la sheegay in Shabaabka ay adeegsadeen tijnoolajiyadda si ay weerarkaasi u fuliyaan. 

Maraykanka ayaa ammaanay kaalinta dowladda Kenya ku leedahay ka hortagga argagixisada , tahayna in si dhow uu Maraykanka ula shaqeeyo. 

Shirka Golaha Ammaanka ee ka hortagga argagixisada oo 31-dii Agoosto lagu qabtay Nairobi ayaa waxaa ka martigaliyay dowladaha Kenya iyo Imaaraatka oo hadda ah xubnaha aan joogtada ahayd ee golaha.

Warbixin shirkan ay Kenya u gudbisay ayay ku sheegtay in Alshabaab ay tahay halis aad u weyn oo weli taagan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Xasan Sheekh oo cadaadis ku haya shakhsiyaad uu soo dirsaday si ay colaad uga huriyaan Puntland

Dukumiintiyada sirta ah ee la helay ayaa muujinaya in kooxaha qorshahan loo xilsaaray loo qaybiyay afar qaybood.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 08:15PM

Puntland oo Ka Digtay Hub ay Dowladda Federaalku Geysay Deegaankeeda

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sannadkii hore ee 2025-ka ku faanay in maleeshiyaad ka dhex qortay gudaha Puntland.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 11:55AM