Maraykanka: Alshabaab Waxay biloowday adeegsiga drones-ka

Image
Walaaca xukuumadda Washington ayaa kusoo beegmaya xilli maleyshiyadda ay sarre u qaadey weeraradeeda.

WASHINGTIN, USA - Mas’uul sare oo ka tirsan dowladda Maraykanka ayaa u sheegay shirka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay in ururka Alshabaab ay haatan biloowday adeegsiga tijnoolajiyadda si ay u Filish weeraro lagu hoobto. 

Mudane Jeffrey DeLaurentis oo ah la taliye sare oo ka tirsan xafiiska ergada Maraykanka u fadhida Qaramada Midoobay ayaa sheegay in Alshabaab ay haatan isticmaalayso diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee drones ka si ay u sahmiyo, islamarkaasna u hesho xogo sirdoon oo ku aaddan bartilmaameedyads nugul. 

Weerarkii ugu dambeeyay ee ay xarakada qaadday ayaa ahaa kii 30ka saacadood socday ee hotel Xayaat oo ay dad badan ku waxyeeloobeen, waxaana la sheegay in Shabaabka ay adeegsadeen tijnoolajiyadda si ay weerarkaasi u fuliyaan. 

Maraykanka ayaa ammaanay kaalinta dowladda Kenya ku leedahay ka hortagga argagixisada , tahayna in si dhow uu Maraykanka ula shaqeeyo. 

Shirka Golaha Ammaanka ee ka hortagga argagixisada oo 31-dii Agoosto lagu qabtay Nairobi ayaa waxaa ka martigaliyay dowladaha Kenya iyo Imaaraatka oo hadda ah xubnaha aan joogtada ahayd ee golaha.

Warbixin shirkan ay Kenya u gudbisay ayay ku sheegtay in Alshabaab ay tahay halis aad u weyn oo weli taagan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xamsa Cabdi Barre: Mucaaradka Waxay Fulinayaan Danaha Dowlado Shisheeye

Barre ayaa sheegay in qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ah ay noqdeen afhayeenno u adeegaya hadallo kasoo baxay dowlado shisheeye.

  • Soomaliya

    19-05-2025

  • 08:28PM

Dowladda Masar oo ka hadashay Qaraxii lala eegtay Dhalinyarada qoranaysay Askarta

Bayaanka Masar ayaa si cad u sheegay taageerada dowladda Masar ee hay’adaha Soomaaliyeed, gaar ahaan ciidanka iyo ciidamada amniga.

  • Soomaliya

    19-05-2025

  • 12:56PM