Maraykanka oo liiska argagixisada ka saarey Zakariye Ismaaciil

Image

March 8, 2015 (GO)- Dowladda Maraykanka ayaa liiska argagixisada ka saartey madaxii hore ee sirdoonka Al-shabaab Zakariye Ismaaciil Xirsi.

Ninkaas oo December 27, 2014 isu soo dhiibey ciidamada Dowladda Federaalka ee gobolka Gedo, wuxuu January 27, 2015 shir-jaraa'id oo magaalada Muqdisho uu ku qabtey ka sheegay inu isaga baxay Al-shabaab nabaddana uu qaatey.

Sakariye Ismaaciil  wuxuu kamid ahaa saraakiishii Al-shabaab ee ay is khilaafeen hoggaamiyihii hore ee kooxdaas Axmed Cabdi Godane, wuxuuna in muddo ah ku dhuumaaleysaneyey miyiga gobollada Gedo iyo Jubbooyinka kadib markii Godane amray in la laayo Sakariye iyo  xubnihii kale ee ay isku fikirka ahaayeen.

Xilal badan ayuu kasoo qabtay kooxda waxaana kamid ahaa: madaxa sirdoonka geeska Afrika, madaxa wilaayaadka (gobollada) iyo abbaanduulaha guud ee ciidamada Al-shabaab.

Sanadkii 2012 dowlada Maraykanka ayaa saddex milyan oo doolar u ballan qaaday ciddii keenta xog sahleysa in la dilo ama nolosha lagu soo qabto dhowr nin oo Sakariye Ismaaciil kamid ahaa.

Sheekh AtamDecember 20, 2014 ​Golaha Ammaanka ee Qaramada midoobay ayaa liiska cuna qabateynta ka saarey hoggaamiyihii hore ee xoogagga Al-shabaab ee fadhigoodu yahay buuraleyda Golis, Sheekh Maxamed Siciid Atam kadib markii June 7, 2014 uu Dowladda Federaalka isu dhiibey sheegayna inuu gebi ahaanba isaga baxay ururka Al-shabaab islamarkaana nabad qaatey. 

Dowladda Federaalka ayaa soo dhoweysey tallaabada Maraykanku qaadey. War-saxaafadeed kaso baxay madaxtooyada Muqdisho ayaa lagu bogaadiyey cafiska loo fidiyey Zakariye Ismaaciil.

Waxaa sidoo kale dowladdu mar kale ku celisey in xubnaha Al-shabaab weli fursad u haystaan inay kooxdaas isaga soo baxaan dowladana isu soo dhiibaan si cafis loogu fidiyo.

"Dowladda Federaalku waxay mar kale farriin u direysaa kuwa weli ku dhex xaniban ururka Al Shabaab ha noqdeen hoggaamiyeyaal ama dagaalyahannada caadiga ah, in haddii ay doonayaan inay isaga haraan dagaalka iyo xoog wax ku raadinta, isla markaana ay si cad u diidaan fikirka qalaad ee Al Shabaab la siin doono fursad ay qeyb uga noqdaan dib u dhiska Soomaaliya" war-saxaafadeedka ayaa sidaas lagu yiri.

Dhowaan ayey ahayd markii Wasaaradda Amniga ee Dowladda Federaalku shaacisey inay markii ugu horreysey adeegsan doonto diyaaradaha aan duuliyaha lahayn si ay ula dagaalanto Al-shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kulamadii Gollaha Shacabka oo Dib u Bilaabmay Kadib Maalmo Ismari-waa ah

In kasta oo khilaafkaasi weli uu saamayn leeyahay, haddana dib u bilaabashada kulamada baarlamaanka.

  • Soomaliya

    05-05-2025

  • 02:00PM

Lugatoor: Beesha caalamka hal dollar kuma bixin dagaalka Puntland kula jirto ISIS

Waxa uu sidoo kale ammaanay kaalinta Soomaalida qurbaha, kuwaasoo uu sheegay inay bixiyeen malaayiin dollar si ay u taageeraan dagaalka.

  • Soomaliya

    05-05-2025

  • 01:46PM