Maraykanka oo marka kale cadeeyay mowqifkiisa Somaliland

Image
Somaliland ayaa tan iyo 1991-dii waxay raadinaysaa in ay aqoonsi caalami ah hesho.

WASHINGTON, USA – Waaxda Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa sheegtay in Somaliland ay ula macaamilayso hal siyaasad oo Mareykanka u u ku wajaho Soomaaliya iyada oo la ilaalinayo madax banaanida dhuleed ee wadankaan ku yaalla geeska qaarada Afrika.

Hadalkan ayaa yimid ayada oo Washington uu booqasho ku joogo madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo ay casuuntay hay’adda daraasaadka siyaasadda ee Heritage Foundation.

"Waxaan soo dhoweynay fursadda aan kula kulmay maanta Muuse Biixi Cabdi oo aan uga wada-hadalnay xoojinta la macaamilka Mareykanka ee Somaliland ayada oo la raacayo siyaasaddeena midda ah ee Soomaaliya," waxaa sidaas qoraal ay twitter soo dhigtay ku tiri kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka ee arrimaha Afrika, Molly Phee

Sidoo kale, Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Larry André ayaa shalay sheegay in safarka madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ee Washington uusan waxba ka beddeli doonin mowqifka dowladdiisa ee ku wajahan Soomaaliya.

André, oo wareysi gaar ah siiyey warsidaha Garowe Online, ayaa sheegay in inkasta oo Washington ay xushmeyso guulaha Somaliland, haddana ay weli u aragto gobol ka mid ah federaalka Soomaaliya.

"Waan xushmeynaa guulaha gobolka Somaliland, marka ay noqoto maamulka dimoqraadiyadda, horumarka dhaqaalaha iyo ammaanka. Waxaan mas’uuliyiinta Somaliland kala shaqeynaa hadafyada aan wadaagno, si la mid ah sidaan ugala shaqeyno maamullada kale ee federaalka,” ayuu ku daray.

Safiirka ayaa mar kale adkeeyey midnimada Soomaaliya iyo sida ay dowladda Mareykanka uga go’an tahay.

"Dowladda Mareykanka waxay aqoonsan tahay madax-banaanida iyo sharafta dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee xuduudaheeda taariikhiga ah oo ay ku jirto Somaliland," ayuu yiri.

"Waxaan su’aasha maqaamka Somaliland u aragnaa arrin u taalla shacabka Soomaaliyeed oo ay ku jirto Somaliland inay go’aan ka gaaraan.”

Somaliland ayaa tan iyo 1991-dii waxay raadinaysaa in ay aqoonsi caalami ah hesho. Balse, dedaaladaas ayaan wali miradhalin iyadda oo madaxda ismaamulka lagu eedeeyo in ay ajandahan u adeegsadan si ay xukunka usii haystaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Khilaaf xooggan oo ka dhex qarxay Xisbiga Xasan Sheekh

Dhaawaca ugu weyn ee soo gaaray xisbiga ayaa loo arkaa go’aanka uu qaatay xoghayihii xisbiga, Cabdiraaxmaan Odowaa.

  • Soomaliya

    23-03-2026

  • 09:27AM

Dowladda Federaalka oo Shaacisay inuu Idlaaday Muddo-xileedka Hoggaanka Koonfur Galbeed

Ilaa hadda, madaxtooyada Koonfur Galbeed kama soo bixin jawaab rasmi ah oo ku saabsan shaacinta firaaqda xafiiska.

  • Soomaliya

    22-03-2026

  • 09:36PM