Maraykanka oo war cusub ka soo saaray weerarkii Bariire

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliska ciidamada Mareykanka ee qaaradda Africa [AFRICOM] ayaa war cusub kaoso saarey weerarkii 25-kii bishii August ee sanadkan ay ka fuliyeen deegaanka Bariire ee gobolka Shabeellaha hoose.

Qoraalka AFRCIOM oo nuqul kamid ah lasoo gaarsiiyay Warsidaha Garowe Online ayaa lagu sheegay in aysan jirin dad shacab ah oo ku dhintay howlgalkii Bariire oo ay si wadajir ah u fuliyeen ciidamada Mareykanka iyo kuwa dowladda Soomaaliya.

AFRICOM waxay intaasi ku dartay in hogaanka howlgallada gaarka ee Mareykankaee Africa (SOCAF) baaritaan iyo qiimeyn uu ku sameeyay weerarka ay ku ogaadeen in dadkii ay dileen ay ahaayeen Al Shabaab.

Waxaa sidoo kale lagu xusay War Saxaafadeedka in kahor howlgalka ciidamada Mareykanka la fuliyaan saaxiibadooda Soomaaliya ay SOCAF sameyso qorsho fahfaahsan iyo isku daba-rid si loo yareeyo khasaaraha shacabka.

Talihihii hore ee ciidamada xoogga dalka Jeneraal Axmed Maxamed Jimcaale (Cirfiid ), ayaa qiray in weerarkii Bariire lagu dilay 10 qof oo shacab ahaa, oo saddex kamid ah ahaayeen caruur aan qaangaarin.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lacag magdhaw ah ka bixisay dilka shacabka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Axmed Madoobe oo Nairobi kula kulmaya Saraakiil ka socota Itoobiya iyo Kenya

Madaxweynaha Jubbaland ayaa booqashadiisa sidoo kale ku saabsan sidii uu ugu raadin lahaa taageero dheeraad ah oo caalami ah.

  • Soomaliya

    18-05-2025

  • 12:27PM

Fahfaahin: Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho

Illaa hadda ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda weerarka saakay ka dhacay Damaanyo, oo ah meel muhiim ah oo AS bartilmaameed u ahayd.

  • Soomaliya

    18-05-2025

  • 08:31AM