Maraykanka oo xaqiijiyey dilka sarkaal ka tirsanaa Al-shabaab

Image

March 19, 2015 (GO)- Dowladda Maraykanka ayaa xaqiijisey in duqeyn todobaadkii hore ka dhacdey duleedka degmada Baardheere ee gobolka Gedo lagu diley sarkaal jago sare ka hayey hoggaanka ururka Al-shabaab.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gaashaan-dhigga Maraykanka ayaa lagu sheegay in duqeyntii dhacday March 12, 2015 uu ku dhintey sarkaal lagu magacaabi jirey Axmed Garaar, kaasoo ka tirsanaa garabka amniga iyo sirdoonka Al-shabaab (Amniyaadka) una qaabilsanaa qorsheynta weerarrada ka dhacaya meelaha Soomaaliya ka baxsan.

Qoraalka waxaa sidoo kale lagu xusey in ninkaasi qayb weyn ku lahaa  qorsheynta weerarkii Westgate Mall, geeridiisuna dhabarjab weyn ku tahay Al-shabaab.

Gaari yar oo sarkaalkaas iyo nin kale la socdeen ayaa asbuuc kahor diyaarad nooca bilaa duuliyaha ahi dhowr gantaal la heshay xilli uu marayey deegaanka Aqabuul oo qiyaastii 40km degmada Baardheere dhanka bariga kaga beegan.

Maraykanka oo kordhiyey duqeymaha uu ka fulinayo Soomaaliya

Dowlada Maraykanka ayaa bilihii u dambeeyey kordhisey duqeymaha ay ka geysaneyso dalka Soomaaliya.

September 1, 2014 duqeyn Maraykanku ka geystey deegaanka Haawaay oo ka tirsan gobolka Shabeelada Hoose, waxaa lagu diley hoggaamiyihii hore ee Al-shabab Axmed Cabdi Godane. 

December 29, 2014 duqeyn kale oo diyaaradaha Maraykanku ka fuliyeen deegaanka Saakow ee gobolka Jubbada Dhexe, waxaa lagu diley labo sarkaal oo ka tirsanaa hoggaanka ururka Al-shabaab.  Labada nin midkood waxaa lagu magacaabi jirey Cabdinaasir Xasan Barakow Tahliil.

Jan 31, 2015 duqeyn ka dhacday deegaan dhanka bariga kaga beegan degmada Diinsoor ee gobolka Bay waxaa lagu diley sarkaal ka tirsanaa Al-shabaab oo lagu magacaabi jirey Yuusuf Dheeg. Ninkaasi sida la sheegay wuxuu ahaa madaxa sirdoonka iyo hawlgallada gudaha ee Al-shabab.

March 12, 2015 duqeyn ka dhacdey gobolka Gedo waxa ku dhintey sarkaal lagu magacaabi jirey Axmed Garaar, kaasoo ka tirsanaa garabka amniga iyo sirdoonka Al-shabaab (Amniyaadka) una qaabilsanaa qorsheynta weerarrada ka dhacaya meelaha Soomaaliya ka baxsan.

Dowladda Federaalka ayaa dhowaan shaacisey in ay markii ugu horreysey adeegsan doonto diyaaradaha aan duuliyaha lahayn si ay ula dagaalanto Al-shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Midowga Afrika oo la filayo inay Banneeyaan Saddex Aag oo ku yaalla Shabeellaha Hoose

Hase yeeshee, dowladda federaalka ayaa hore u muujisay walaac ku saabsan awoodda ciidamada dalka ee ay hadda haystaan.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 09:10AM

Museveni oo Farta ku Fiiqay Sababta ugu weyn Khilaafaadka Soomaaliya, Baaqna u Diray Hoggaanka Dalka

Museveni ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu Madaxtooyada Entebbe kula yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 08:55AM