Diyaaradaha Maraykanka oo duqeyn ka geystey Jubada Dhexe

Image

December 30, 2014 (GO)- Diyaaradaha bilaa duuliyaha ah ee Maraykanka ayaa shalay oo Isniin ahayd duqeyn ka geystey meel u dhow degmada Saakow ee gobolka Jubada Dhexe.

Af-hayeen u hadlay wasaarada gaashaan-dhigga Maraykanka ayaa xaqiijiyey weerarka isagoo sheegay in bartilmaameedku ahaa hoggaamiye sare oo ka tirsan Al-shabaab.

Af-hayeenku wuxuu intaas ku daray inay qiimeyn ku wadaan natiijada weerarka wixii kasoo kordhana dib warbaahinta uga soo gudbin doonaan.

Duqeyntan ayaa ah tii ugu horeysey ee Maraykanku ka fuliyo Soomaaliya laga soo bilaabo bishii September ee lasoo dhaafay.

Saddex bilood kahor duqeyn caynkan oo kale ahayd taasoo ka dhacday duleedka degmada Baraawe waxaa lagu diley hoggaamiyihii hore ee Al-shabaab Axmed Cabdi Godane.

Weerarkan ayaa kusoo aadaya labo maalmood kadib markii uu Dowlada Federaalka isu soo dhiibey Sakariye Ismaaciil Xirsi oo horay uga mid ahaa saraakiisha sare ee Al-shabaab kaasoo Maraykanku malaayiin doolar u ballan qaaday cidii soo gudbisa xog sahleysa in gacanta lagu soo dhigo.

Al-shabaab oo laga saaray inta badan deegaanadii ay koonfurta Soomaaliya kaga sugnaayeen, waxay awoodooda isugu geeyeen gobollada Jubooyinka iyo Gedo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo go'aan adag ka qaatay taageerada amniga Soomaaliya

Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay ayaa la sheegay inay wadaan dadaallo lagu raadinayo xal waara oo lagu sii wadi karo hawlgalka.

  • Soomaliya

    18-07-2026

  • 09:33AM

C/kariin Ciidle oo lagu celiyay Mareykanka si uu u wajaho dacwad musuqmaasuq $250 milyan ah

Mas'uuliyiintu waxay sheegeen in Cabdikariim uu ka baxsaday Mareykanka kaddib markii dacwadaha lagu soo oogay sanadkii 2022.

  • Soomaliya

    17-07-2026

  • 09:13PM