Mareykanka iyo Shiinaha oo u sacabo tumay dalab ka dhan ah Soomaaliya

Image

WASHINGTON, US – Dowladaha Mareykanka iyo Shiinaha ayaa si cad waxay ugu baaqeen in "baahi weyn loo qabto" cusbooneysiinta qaraarada tirsigoodu kala yahay 751 iyo 2498 ee cunaqabateynta hubka waddanka Soomaaliya.

Danjireyaasha wadamadan u qaabilsan Qaramada Midoobay ayaa fadhi fogaan arag ah oo Golaha Ammaanka Arbacadii yeeshay waxay ku taageeraan hindisahaan uu keenay Guddiga UN-ka ee dabagalka Soomaaliya.

Kelly Craft, ergayga Washington oo xustay in warbixinta guddiga ee sheegeysa in Al-Shabaab malaayiin Doolar ku hesho qaab sahlan, ayaa rumeysan in ay muujineyso baahida loo qabo "si buuxda loo kordhiyo xayiraadaha".

"Dowladda Mareykanku wali wuxuu diirada saarayaa xaddidaada awooda Al-Shabaab inay fuliso weerarada ka dhanka ah dadka rayidka ah, waxaana ka go'an inay la shaqeyso Dowladaha Xubnaha ka ah sidii looga faa'iideysan lahaa nidaamka cunaqabateynta Soomaaliya ee 751 inta la eg. Dadaalkan waxaa ka mid ah gargaar farsamo iyo karti dhisid si looga hortago maalgelinta argagixisada iyo halista qaraxyada miinooyinka," ayay ku sheegtay kalmadeeda.

Mrs Craft ayaa ku nuux-nuuxsatay in dalkeedu mar walba u ololeynayo sidii loo wiiqi lahaa khatarta "argagixisada Soomaaliya" si xasilooni iyo nabad loogu soo dabaalo waddanka dhaca Geeska Afrika.

Zhang Jun, wakiilka xukuumadda Beijing oo soo dhaweeyay in wanaajinta xiriirka dowladda iyo guddiga khuburadda, ayaa cod dheer ku dalbaday in cusbooneysiinta kordhinta qaraaradan la sameeyo bisha November.

"Hadal kaliya guul loogama gaari karo la dagaalanka argagixisada iyo yareynta rabshadaha," ayuu yiri isagoo ku nuux-nuuxsaday in muhiim tahay in xayiraada hubka ay noqoto mid macno leh balse aan la iska soo gabagabeyn.

Mr Jun oo afka ku balaariyey ahmiyadda ay leedahay in aduunka iska kaashado nabadeynta Soomaaliya ayaa rumeysan in soo afjarida xagjirnimada ay ku xiran tahay balaarinta cunaqabateynta.

Ololaha Mareykanka iyo Shiinaha ayaa dharbaaxo ku ah dalabyo isku xig-xigay oo Dowladda Soomaaliya u gudbisay Golaha Ammaanka kuwaasoo ku saabsanaa in laga qaado "maadaama ay caqabad ku tahay ciribtirka Al-Shabaab".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muqdisho oo laga dejiyay qalab milatari oo ka yimid Israa'iil

Sida ay sheegayaan isla ilo wareedyadaas, shixnadda waxaa lagu wareejiyay xafiis Qaramada Midoobay ku leeyahay Muqdisho.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 01:49PM

Mareykanka oo ballanqaaday inuu Soomaaliya ka taageerayo dagaalka argagixisada iyo musuq-maasuqa

Mareykanku wuxuu garab taagan yahay shacabka Soomaaliyeed dagaalka ay kula jiraan argagixisada, musuq-maasuqa.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 11:58AM