Mareykanka: Malleeshiyaad baan ku dilnay Weerarkii duleedka Gaalkacyo

Image

Dowladda Mareykanka ayaa qiratay inaysan Al shabaab ku dilin weerarkii Bishii September ka gaysteen diyaardaheeda dagaalka duleedka magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug. 

War kasoo baxay wasaarada difaaca Mareykanka ee Pentagon, oo Reuters faafisay ayaa lagu sheegay in 10 Maleeshiyo Beeleed ah ku dileen, 3 kalena ku dhaawacmeen weerarka cirka ah, oo dhacay Sept 28, 2016.

Pentagon ayaa sheegay in weerarka uu ahaa mid is-difaacid ah, oo ay uga hortageen khatar kusoo food leh, kaasi oo sidoo kale saraakiisha Ciidamada amniga Puntland (PSF) ka codsadeen inay fuliyaan. 

Waxaa lagu sheegay warka qoraalka ah in aanay jirin wax khasaaro ah oo shacabka kasoo gaarey weerarka duleedka Gaalkacyo, kaasi oo horey Galmudug u sheegtay in ciidankeeda lala bartilmaameedsaday. 

Dowladda Somalia ayaa ka codsatay Mareykanka inuu sharaxaad dheeri ah ka bixiyo weerarkaan kasoo maalin kadib maamulka Galmudug ku eedaysay Puntland inay soo marin-haabisay Mareykanka, oo ugu tilmaantay saldhigeeda ciidan fariisin u yahay Al shabaab.

Taliska ciidamada Mareykanka ee gobolka Geeska Africa, ayaa sheegay in weerarka lagu fuliyay codsiga Puntland iyo qiimayntooda xaalada goobta la duqeeyay, oo u muuqatay mid khatar uga soo socoto. 

Taliska wuxuu sheegay in duqeynta ay uga jawaabayeen weerarka Al shababaab ay ku qaadeen ciidamada amaanka Puntland (PSF), oo bah-wadaag yihiin iyo inay kaga hortagaan khatar kale.    

GAROWEONLINE 

Related Articles

Waa kuwee xubnaha mucaaradka ee ka baxay madasha kuna biiray qorshaha Villa Somalia?

Qoraal guddiga doorashada ee lagu muransan yahay shaqada wajibaadkiisa ayaa lagu…

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 08:49PM

Dagaal ka dhacay Gobolka Gedo oo ku loolamayaan DFS iyo Jubaland

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in weerarka Birta Dheer uu ka mid yahay howlgallo ballaaran oo laga wado gobolka Gedo.

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 07:43AM