Mareykanka oo $10 Milyan ku raadinaya ninkii ka dambeeyay weerarkii Manda Bay

Image

WASHINGTON - Dowladda Mareykanka ayaa shaacisay in ay bixineyso abaalmarin gaareysa $10 milyan oo lagu doonayo Cabdullaahi Banati, oo lagu eedeeyay inuu mas'uul ka ahaa weerarkii 2020 ee lagu qaaday saldhigga ciidamada Mareykanka ee Manda Bay, Kenya.

Weerarka oo lagu dilay saddex muwaadin Mareykan ah, oo ay ku jiro askari, ayaa ahaa weerarkii ugu weynaa ee ay kooxda Al-Shabaab ku qaado saldhig ciidan oo Mareykan ah gudaha Bariga Afrika, waxaana uu sabab u noqday raadinta joogtada ah ee kooxihii weerarka ka dambeeyay.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, oo leh barnaamijka "Rewards for Justice" (RFJ) oo la aasaasay sanadkii 1984 si loola dagaallamo argagixisada caalamiga ah, ayaa codsatay in qof kasta oo haysta xog ku saabsan halka uu joogo Cabdullaahi ama wax ku saabsan weerarka uu soo bandhigo.

“Laba duuliyayaal oo ka tirsan qandaraaslayaasha DoD, oo ah muwaadiniin Mareykan ah, ayaa lagu dilay markii diyaaradooda milatariga ah lagu weeraray gantaallo (RPGs) inta ay ku sugnaayeen garoonka diyaaradaha. Qandaraasle kale oo Mareykan ah ayaa ka badbaaday qaraxa, laakiin wuxuu noqday mid dhaawac culus qaba,” ayaa lagu yiri warbixinta ka soo baxday Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka.

Askari Kenyan ah ayaa sidoo kale ku dhaawacmay weerarkaas. Cabdullaahi Banati waxaa lagu sheegay inuu ka tirsan yahay Jaysh al-Ayman, oo ah koox ka tirsan Al-Shabaab oo qaabilsan fulinta weerarada gudaha Kenya. Kooxdan waxaa magacaabey hoggaamiyihii caanka ahaa ee Maalim Ayman, oo sidoo kale loo yaqaanno Dobow Abdiaziz Ali, oo ka soo jeeda Gobolka Mandera ee Soomaaliya.

Cabdullaahi Banati ayaa lagu eedeeyaa inuu qeyb ka ahaa qorsheynta iyo fulinta weerarkii 5tii Janaayo 2020 ee lagu qaaday Manda Bay Airfield. Al-Shabaab, oo ah ururka xiriirka la leh al-Qaacida ee Bariga Afrika, ayaa mas'uul ka ah weeraro badan oo argagixiso oo ka dhacay Kenya, Soomaaliya, iyo dalalka deriska ah, kuwaasoo lagu dilay kumanaan qof, oo ay ku jiraan muwaadiniin Mareykan ah,” ayaa lagu yiri websaytka RFJ.

Laba sano ka hor, Maalim Ayman ayaa sidoo kale lagu daray liiska ragga ugu wanted-ka ah ee caalamka, kadib weerarkii lagu qaaday saldhigga Manda Naval Base, kaasoo ka dhigay ciidamada Mareykanka kuwo aan diyaar u ahayn weerarka. Taliyeyaasha sare ee Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa sidoo kale cambaareeyay ciidamada Kenya ee KDF, iyadoo ay cadeyeen inaysan si degdeg ah uga jawaabin weerarka.

Weerarkii 5tii Janaayo, ee lagu qaaday Manda Bay Airfield, oo ay ka qeyb qaateen 30 ilaa 40 dagaalyahan, ayaa sababay dhimashada afar askari oo Mareykan ah, waxaana Al-Shabaab kadib sheegtay masuuliyadda weerarka.

Garoonka Manda Bay, oo si adag loo difaaco, isla markaana taageero ka helaya saldhigga Mareykanka ee Djibouti, waxa uu tababaraa Ciidamada Jawaab Degdegga ee Bariga Afrika (East Africa Quick Reaction Force), kuwaasoo ka shaqeeya sidii loo xoojin lahaa amniga gobolka iyo ilaalinta danaha Mareykanka.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa Al-Shabaab u aqoonsatay urur argagixiso caalami ah (FTO) iyo koox argagixiso si gaar ah loo calaamadeeyay (SDGT) bishii Maarso 2008. Kooxdu waxay wajahaysaa weeraro culus oo isku xiran oo ka socda gudaha Kenya iyo Soomaaliya, kadib hawlgallada wadajirka ah ee labada dal.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo sii daba-dheereeyay Khilaafka Siyaadeed

Ajendaha shirka waxaa ka mid ahaa taageeridda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) ee dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    08-05-2025

  • 09:11AM

Dowladda Xasan Sheekh oo billowday qorshe lagu duminayo Maamulka Jubaland

Xiisaddan ayaa si xun u qaraxday bishii Diseembar 2024, markaas oo dagaal culus uu ka dhacay magaalada Raaskambooni.

  • Soomaliya

    08-05-2025

  • 05:17AM