Mareykanka oo baaq u diray madaxda DF Soomaaliya iyo maamulada

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa waxay ugu baaqdey madaxda dowladda Soomaaliya iyo maamulada in ay ka shaqeeyaan wada ogol looga gudbo mar-xaladda kala guurka.

Inkasta oo Muqdisho ay joogaan hogaanka Puntland iyo Jubaland, safaaradda ayaa waxay uga mahadcelisay Villa Soomaaliya in ay isku keentay madaxda dowladaha xubnaha ka ah xukuumadda federaalka.

Mahadnaqaan ayaa lagu macneeyay in Madaxtooyadda aqbashay dalabkii ahaa in shirka Muqdisho kusoo biiraan maamuladda kale taasoo ka dhigan inuu qabsoomayo shir cusub oo loo dhan-yahay.

Qoraal lasoo dhigay barta Twitter-ka ee safaarada ayaa lagu ammaanay madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye [Qoor-qoor]. Qabashada shirkii Dhuusamareeb3 ayay si gaar ah ugu bogaadisay.

"Safaarada Mareykanka waxay uga mahadcelineysaa Villa Soomaaliya in hogaamiyeyaasha Dowladaha Xubnaha ka ah Dowlada Federaalka ay isugu keento Muqdisho. Waxay madaxweynaha Galmudug Qoor-qoor ay uga mahadnaqeysaa hogaamintiisa geedi u socodka Dhuusamareeb3 [iyo] odaytinimadiisa ay Soomaaliya u baahan tahay. Waxay ku dhiiragelineysaa dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha in ay dhameystiraan mabaadi'da heshiis wada ogol ah," ayuu u qornaa bayaanka kooban ee safaaradda.

Washington ayaa kamid ah Wakiilada Beesha Caalamka ee damaanad-qaadeyaasha ka ah in ay fuli doonan go'aanada kasoo baxa shirka Muqdisho markii madaxda federaalka jebiyeen balamadii hore.

Soomaaliya ayaa waxay wajaheysa mar-xalad xasaasiya ah oo ah u diyaar-garow doorasho, waxaana marka xilliyaddan lasoo gaaro aad u badan damac siyaasiyiinta iyo madax talada haysa oo soo noqosha u xusul-duubta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Duulimaadyadii ugu horreeyay ee xujeyda Soomaaliyeed oo gaaray dalka Sucuudiga

Maamulka garoonka Maddiina ayaa sheegay in habraacyada gelitaanka xujeyda Soomaaliyeed loo fuliyay si hufan.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 11:20AM

Safiirka UK oo Muqdisho ku tilmaamay mid ka mid ah goobaha ugu khatarta badan dunida  

Safiirka ayaa ku dhuftay in wadashaqayn dhow oo ay la leeyihiin dowladda Soomaaliya, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-05-2026

  • 01:41PM