Mareykanka oo cambaareeyay weerarkii Al-Shabaab ee Balidoogle

Image

WASHINGTON, US – Dowladda Mareykanka oo war-saxaafadeed soo saartay ayaa cambaareysay weerarkii Al-Shabaab ay Isniinta maanta ah ku ekeysay saldhig Balidoogle ee gobolka Shabeellaha Hoose.

"Waxaan amaanaynaa ciidamada Soomaaliyeed ee ka hortagay weerarka lagu soo qaaday fariisiinkooda saldhiga Baledogle ee gobolka Shabeellaha Hoose," ayaa lagu yiri qoraalka.

Gulufka oo ku bilowday qarax gaari ayaa waxaa ka dhashay iska hor-imaad dhexmaray xoogaga dowlada iyo dagaalameyaasha kooxda gacansaarka la leh shabakadda argagixisada ah ee Al-Qaacidda.

"Ciidanka oo ahaa mid feejigan ayaa ku guuleystay in uu ka hortago wareerka fashilmey, aysana u ogolaanin kuwa weerarka soo qaaday inay jebiyaan darbiga difaaca ee saldhiga," ayaa raaciyey bayaanka.

Madaarka Balidoogle oo 90-KM dhanka Galbeed uga aadan magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho ayaa xarun u ah ciidanka Mareykanka ee dalka ku sugan halkaasi oo ay howlo kala duwan ka fuliyaan.

"Waxaan ku faraxsannahay in aysan jirin khasaara kasoo gaarey [weerarka] Ciidanka xoogga dalka," ayaa lagu daray warka oo kasoo baxay safaaradda Washington ee Muqdisho.

Al-Shabaab oo adeegsaneysa warbaahinta afkeeda ku hadasha waxay baahisay in ay ku dishay 100 askar. Balse, taliska ciidamadda Soomaaliya ayaa qeexay in 10-daqiiqo lagu soo afjaray duulaankaas.

"Weerarkan ayaa mar kale muujiyey in Al-Shabaab ay carqalad ku yihiin horumarka, nabadda iyo barwaaqada Soomaaliya".

Garoonka Balidoogle oo qeybo kala duwan ayaa waxaa kamid ah; xero ciidan iyo Shilin ay ka duulaan diyaaradaha.

"Dowladda Maraykanka waxa ay xaqiijineysaa dadaalka xooggan ay siineyno dadka iyo xukuumadda Soomaaliyeed," ayay xustay.

Howlaha ay ciidanka Mareykanka fuliyaan madaarka ayaa waxaa kamid ah in ay ka duulaan diyaaradaha fuliya duqeymaha ka dhanka ah Al-Shabaab iyo tababar lagu siiyo kumaandooska Soomaaliya.

"…annaga oo gacan ka geysaneyno dadaallada wadajirka ah ee lagu doonaayo in lagu baabi’iyo kooxaha argagixisada iyo dhisida dal xoog leh oo dadkiisa u horseedo barwaaqo iyo mustaqbal wanaagsan".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland iyo Jubbaland oo hal sabab uga baaqday shir Turkiga ku qabanayo Muqdisho

Turkiga ayaa muddo dheer door muuqda ku lahaa arrimaha Soomaaliya, isagoo bixiyay taageero dhinacyada amniga.

  • Soomaliya

    07-07-2026

  • 01:43PM

Siyaasiyiin Soomaali ah oo Taariikh Ka Sameeyay Baarlamaanka Norway

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in doorashadoodu ay ka tarjumayso isbeddelka…

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 04:41PM