Mareykanka oo baaq u diray madaxda DF Soomaaliya iyo Maamulada

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa war-saxaafadeed ku taariikheysan 5-ta Febraayo sanadka 2020 waxay kasoo saartay arrimaha siyaasadda amniga Soomaaliya.

Ugu horeyn, waxay ku baaqdey dib-u-heshiisiin guud oo loo sameeyay Dowladda Federaalka ah iyo maamul goboleedyadda xubnaha ka ah.

Dhinacyadda ayay dowladda Mareykanka ugu baaqday inay dib u soo celiyaan "wadashaqeynta" oo muhiim u ah wax ka qabashada caqabadaha amni iyo la-dagaalanka Al-Shabaab".

"Hogaamiyeyaasha Soomaaliya waa in ay wada hadlaan oo ay isu yimaadaan si loo xaqiijiyo ammaanka iyo hufnaanta doorashooyinka 2020-21," ayaa lagu yiri bayaanka.

Mareykanka ayaa sheegay in doorashooyinkii ugu dambeeyay ee ka dhacay maamullada ay ahaayeen kuwa aan fiicnayn, oo aan u dhicin sidii la rabey.

Sidoo kale, War-saxaafadeedka dowladda Mareykanka ayaa ka muuqda isbedel dhanka mowqifkii hore ee ku aadanaa Jubaland, oo hadda ugu yeertay Madaxweyne, halka markii hore ugu yeeri jirtay "hogaamiye".

Doorashadda soo aadan ayuu qorshuhu yahay in ay noqoto qof iyo cod, hase ahaatee, waxaa dul-saaran calaamad su'aal maadaama sharciga doorashada uu muran xoogan ka taagan yahay.

Qaar kamid ah maamulada iyo siyaasiyiinta mucaaradka ayaa sheegay in xeerkan oo horyaal Aqalka Sare ay ku jiraan qodobo "xalaaleynaya mudo korarsi ay sameysato DF".

Wallow dowladdu ku adkeysaneyso in ay qaban karto, darafyadda qaarkood ayaa aaminsan in coddeynta 2020-21 aysan noqon karin qof iyo cod, waana arrimaha u baahan heshiiska.

Hoos ka akhriso qoraalka

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Balcad: Madaxweynaha wuxuu shir la yeelan doonaa madaxdii hore ee dalka

Shirkan ayaa loo arkaa mid fure u noqon kara yareynta kala fogaanshaha siyaasadeed iyo dhisidda hannaan loo dhan yahay oo lagu wajahayo marxaladda kala guurka ah.

  • Soomaliya

    25-05-2025

  • 11:19AM

Sheekh Shariif oo Dowladda ku Eedeeyay Caburinta Saxaafadda

Xorriyadda hadalka iyo madaxbannaanida warbaahinta waa tiirar muhiim u ah dowlad kasta oo sharciyad leh.

  • Soomaliya

    24-05-2025

  • 03:01PM