Mareykanka oo baaq u diray madaxda DF Soomaaliya iyo Maamulada

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa war-saxaafadeed ku taariikheysan 5-ta Febraayo sanadka 2020 waxay kasoo saartay arrimaha siyaasadda amniga Soomaaliya.

Ugu horeyn, waxay ku baaqdey dib-u-heshiisiin guud oo loo sameeyay Dowladda Federaalka ah iyo maamul goboleedyadda xubnaha ka ah.

Dhinacyadda ayay dowladda Mareykanka ugu baaqday inay dib u soo celiyaan "wadashaqeynta" oo muhiim u ah wax ka qabashada caqabadaha amni iyo la-dagaalanka Al-Shabaab".

"Hogaamiyeyaasha Soomaaliya waa in ay wada hadlaan oo ay isu yimaadaan si loo xaqiijiyo ammaanka iyo hufnaanta doorashooyinka 2020-21," ayaa lagu yiri bayaanka.

Mareykanka ayaa sheegay in doorashooyinkii ugu dambeeyay ee ka dhacay maamullada ay ahaayeen kuwa aan fiicnayn, oo aan u dhicin sidii la rabey.

Sidoo kale, War-saxaafadeedka dowladda Mareykanka ayaa ka muuqda isbedel dhanka mowqifkii hore ee ku aadanaa Jubaland, oo hadda ugu yeertay Madaxweyne, halka markii hore ugu yeeri jirtay "hogaamiye".

Doorashadda soo aadan ayuu qorshuhu yahay in ay noqoto qof iyo cod, hase ahaatee, waxaa dul-saaran calaamad su'aal maadaama sharciga doorashada uu muran xoogan ka taagan yahay.

Qaar kamid ah maamulada iyo siyaasiyiinta mucaaradka ayaa sheegay in xeerkan oo horyaal Aqalka Sare ay ku jiraan qodobo "xalaaleynaya mudo korarsi ay sameysato DF".

Wallow dowladdu ku adkeysaneyso in ay qaban karto, darafyadda qaarkood ayaa aaminsan in coddeynta 2020-21 aysan noqon karin qof iyo cod, waana arrimaha u baahan heshiiska.

Hoos ka akhriso qoraalka

GAROWE ONLINE

Related Articles

Saraakiil Soomaali ah oo ku dhow Xasan Sheekh oo wajahaya xayiraado safar - XOG

Waddamada reer Galbeedka ayaa bilihii u dambeeyay xoogga saaraya doorka caasimadaha Afrika ee deriska la ah Soomaaliya.

  • Soomaliya

    27-07-2026

  • 12:23PM

Hawlgallo ka Dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:53AM