Mareykanka oo cunaqabateyn kusoo rogay hogaamiyeyaal Al-Shabaab ah

Image

WASHINGTON, US – Maamulka Trump ayaa xayiraadyo horleh wuxuu kusoo rogay maleyshiyada Al-Shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya isla markaana xiriir la leh Al-Qaacida, weeraro badanna ka fulisay Geeska Afrika.

Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa ku dhawaaqdey cunaqabateynada cusub oo lagu soo rogay laba hogaamiye oo ka tirsan kooxdaan "urur argagxiso oo caalami ah" ay Washington u aqoonsatay sanadkii 2008.

Wasaaradda ayaa sheegtay in ay Cabdullaahi Cusmaan Maxamed iyo Maalin Ayman u aqoonsatay in ay yihiin "shaqsiyaad argagixoso oo caalami ah". Talaabadan waxaa wehlisa in lala wareegayo hantida ka taala USA.

Sidoo kale, waxay dhabaha u xaareysaa in muwaadiniinta Ameerikaanka ay mamnuuc ka tahay in ay cilaaqaad ganacsi la yeesheen labadan ruux.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu xusay in Maxamed uu yahay "khabiir sarre oo dhanka walxaha qarxa ah, lataliye sarre oo amiirka Al-Shabaab ah iyo hogaamiyaha garabka warbaahinta xoogaga ee Al-Kataib".

Ayman ayaa lagu waramay in uu yahay hogaamiyaha Jaysh Ayman, oo ah garab kamid ah Al-Shabaab oo howlgalo ka fuliyo Kenya iyo Soomaaliya.

Weerarada ay qaadeen waxaa kamid ah duulaankii saldhiga milatariga Mareykanka ee Manda Bay kaasoo lagu dilay askari Ameerikaan ah iyo laba qandaraasle kale kuwaasoo u dhashay waddanka Mareykanka.

Xayiraadahaan cusub ayaa kusoo hagaagaya xilli ay soo baxayaan warar sheegaya in Trump uu ku fekerayo in ciidamadda Mareykanka ka saaro Soomaaliya kahor inta uusan soo gabagabeyn joogitaankiisa Aqalka Cad.

Inkasta oo madaxda Soomaaliya ay kasoo horjeesteen qorshehaas, haddana waxaa la aaminsan yahay in uu yahay mid ay soo dhoweyn doonto Al-Shabaab maadaama uu ka yaranaayo culeyska dhanka milatariga.

Al-Shabaab ayaa weeraro isugu jira qaraxyo iyo kuwa toos ah waxay ku bartilmaameedsataa saldhigyada iyo xarumaha dowladda.

Horaantii bishaan November, golaha ammaanka Qaramada Midoobay wuxuu kordhiyey muddo cunaqabateynta hubka Soomaaliya si looga hortago in maleyshiyadda hesho hub ay u adeegsato howlgaladeeda.

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayay cod dheer ugu baaqeen in ay dabagal ku sameyso maalgelinta sharci daradda ah ee kooxda sameyso halkaasoo ay ka hesho dhaqaalaha ay kusoo iibsato hubka iyo qaraxyadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Taliye Cabdiraxmaan Hujaale oo lagu dilay duleedka Moqokori ee gobolka Hiiraan

Tan iyo 2022, dhowr taliyayaal oo sare ayaa lagu dilay Koonfurta Soomaaliya, taasoo muujineysa xaaladda amni ee cakiran ee dalka.

  • Soomaliya

    17-05-2025

  • 03:17PM

Soomaaliya: Qarax Ka Dhacay Garoonka Baraawe Oo Sababay Dhimasho iyo Dhaawac

Illa iyo hadda, ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda weerarka, laakiin kooxda Al-Shabaab ayaa caadiyan fulisa weerarrada noocan oo kale ah.

  • Soomaliya

    17-05-2025

  • 09:23AM