Mareykanka oo dalab cusub kasoo saartey doorashada Soomaaliya

Image
26 Xildhibaan ayaa ka dhiman Golaha Shacabka oo guud ahaan ka kooban 275 mudane.

WASHINGTON, USA – Danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya Larry Andre ayaa ku baaqay in la dadejiyo Doorashada kuraasta ka dhiman Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad ee ku harsan Dowlad-Goboleedyada Hirshabeelle & Jubbaland.

Larry, waxa uu bogaadiyay jadwalka dhaarinta uu soosaaray Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban Heer Federaal ee FEIT ee 14ka April 2022 balse waqtigaas kahor ayuu soo jeediyay in la dhammeystiro Kuraasta dhiman.

“Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadan Heer Federaal ayaa ku dhawaaqay Xiliga la dhaarinayo Xildhibaannada iyo Senatarada Aqalka Sare oo ah 14ka April 2022, taasi kama dhigna in dhammaan la dhammeystiri doono kuraasta balse way dhici kartaa, haddii xitaa la gaaro waqtiga dhaarinta waxaa doorashada lasii wadi karaa kaddib marka la dhaariyo Xildhibaannada sida dhacday 2016kii” ayuu yiri Danjire Larry Andre.

Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Larry Andre ayaa sheegay in Washington ay taageereyso cid weliba oo daneyneysa xasiloonida, Dib u dhiska, ka shaqeynta nabadda, Xasiloonida iyo Dib usoo laabashada awoodda Dalka.

“Waxa aan taageereynaa kuwa dooranaya in la dhiso Soomaaliya oo Amni ah, Barwaaqo ah nabadna ah waa taas iskaashiga aan la leynahay Mas’uuliyiinta Soomaalida, Dadka Soomaaliyeed & Bulshada Rayidka ku wajahan yahay, Danta Dadka Mareykanka ayaa ah in ay arkaan Soomaaliya oo guuleysata” ayuu yiri Danjire Larry Andre oo la hadlay VOA Somali.

Danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya Larry Andre ayaa Muddo kooban Muqdisho kula kulmay Mas’uuliyiinta heer Federaal, Heer Dowlad-Goboleed, Madaxdii hore ee Dalka, Siyaasiyiin, Bulshada Rayidka, Haween, Ururro & dhinacyada Daneeya Arrimaha Soomaaliya.

26 Xildhibaan ayaa ka dhiman Golaha Shacabka oo guud ahaan ka kooban 275 Mudane, 16 kamid ah waa kuraasta Garbahaarey halka 10 kale Hir-Shabeelle ku harsan yihiin oo la filayo in dhawaan lasoo gabagabeeyo.

Gobollada Waqooyi, Dowlad-Goboleedyada Puntland, Galmudug & Koofur Galbeed ayaa Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban Heer Federaal ku wareejiyay Diiwaanka Xildhibaannada iyo natiijada codeynta ay ku guuleysteen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Khilaaf xooggan oo ka dhex qarxay Xisbiga Xasan Sheekh

Dhaawaca ugu weyn ee soo gaaray xisbiga ayaa loo arkaa go’aanka uu qaatay xoghayihii xisbiga, Cabdiraaxmaan Odowaa.

  • Soomaliya

    23-03-2026

  • 09:27AM

Dowladda Federaalka oo Shaacisay inuu Idlaaday Muddo-xileedka Hoggaanka Koonfur Galbeed

Ilaa hadda, madaxtooyada Koonfur Galbeed kama soo bixin jawaab rasmi ah oo ku saabsan shaacinta firaaqda xafiiska.

  • Soomaliya

    22-03-2026

  • 09:36PM