Mareykanka oo dib u bilaabay kaalmada Ciidamadda Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Mareykanka ayaa shaaciyey in asbuucaan uu dib u bilaabay taageerada Ciidamada Soomaaliya, talaabadaas oo uu ku xoojinayo howlgalada argagixiso la dirirka ee Shabeellaha Hoose.

Ryan Grizzle, afhayeenka safaarada Mareykanka ee Muqdisho, oo warkaan ku dhawaaqay ayaa sababta ku sheegay dib-u-habeyn lagu sameeyay maamulka maaliyada hogaanka Ciidamada Xoogga.

"Talaabadaas waxay sarre u qaadey kalsoonida uu Mareykanka ku qabo in uu isla xisaabtan ku sameeyo deeqaha uu bixiyo," ayuu raaciyey Grizzle.

Dowladda federaalka ayuu ku waaniyey in ay xooga saarto dib-u-habeynta Hay'addaha Ammaanka si gaar ah maamulka iyo Khayraad, arrintaasna ay qayb ka tahay dhismaha ciidan xirfad leh oo lagu xisaabtamo.

"Iyadoo arrimaha socda ee dib u habeynta Ciidamadda ay muhiim yihiin, Mareykanka wuxuu sii wadayaa taageerida howlgalada ciidamada ee diirada saaraya wiiqitaanka argagixisadda," ayuu xusay.

Ugu dambeyntii, xukuumadda Soomaaliya iyo maamul goboleedyadda ayuu soo jeediyey in heshiiyaan isla markaana dib u bilaabaan wadashaqeynta.

Sanadkii 2017-kii ayay ahayd markii Mareykanka uu joojiyey taageerida Ciidamadda Xoogga Soomaaliya ee saadka iyo sahayda "kadib markii ay u cadaatey in musuqmaasuq baahsan lagu sameeyay kaalmo uu siiyey ciidanka".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hawlgallo ka Dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:53AM

Xildhibaano iska casilay Baarlamaanka Maamulka fadhiya Laascaanood 

Wuxuu sheegay in sababta ay u qaateen go’aanka is-casilaadda ay tahay iyagoo aaminsan in maamulka uu ka leexday ujeeddadii loo dhisay.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:21AM