Mareykanka oo difaacay Haaruun Macruuf xili uu eedeeyay NISA

Image

WASHINGTON, US – Dowladda Mareykanka ayaa jawaab rasmi ah waxay kasoo saartey eedeynta hay'adda sirdoonka Soomaaliya u jeedisey wariye Haaruun Maruuf oo ka tirsan laanta Af Soomaaliga ee VOA-da.

Qoraal Axada maanta ah lasoo dhigay barta Twitter-ka ee safaarada Mareykanka ee Soomaaliya ayaa lagu difaacay saxafiga wax-baara.

"Haaruun Macruuf waa wariye ka tirsan VOA oo la ixtiraamo, xirfadle ah iyo mid kamida saxafiyiinta ugu saameynta badan Soomaaliya," ayaa lagu yiri bayaanka oo ku qornaa luuqada English-ka.

Qoraalka ayaa intaas raaciyey: "Weerarada NISA waxay halis ku yihiin xorriyadda warbaahinta iyo madax-babaanida saxaafada oo aas-aas u ah dimuqraadiyada iyo is-xisaabtanka gudaha Soomaaliya".

Taageerada ay safaarada u muujisay saxafiga ayaa xoojineysa garab-istaag badan oo uu hore kaga helay siyaasiyiin, wariyeyaal iyo dadweyne, kuwaas oo ku muujiyey baraha bulshadda.

NISA ayaa sheegtay in Haaruun Macruuf uu "leeyahay xiriiro khatar u ah amniga Qaranka isla markaana uu baalmaray anshaxa warbaahinta kana qaadeyso talaabada sharciga ku haboon".

Soo saaraha barnaamijka Galka Baarista ayaa nan wali jawaab rasmi ah ka bixin eedeynta iyo "hanjabaadda" kaga timid hay'adda uu madax u yahay Fahad Yaasiin Daahir, oo wariye soo noqdey.

Dhawaqa kasoo yeeray NISA ayaa yimid xili ay jiraan warar tibaaxay in Haaruun Macruuf uu todobaadyaddii u dambeeyay ku howlanaa diyaarinta warbixin wadata macluumaad kuna saabsan "arrimo xasaasi ah".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo baajiyey safar uu ku tegi lahaa Ruushka xilli uu isa soo tarayo Cadaadiska Uganda

Hase yeeshee, Madaxweyne Museveni ayaa la sheegay inuu diiday codsigaas, isagoo sabab uga dhigay caqabado dhaqaale.

  • Soomaliya

    28-10-2026

  • 05:28AM

Ciidamada Midowga Afrika oo la filayo inay Banneeyaan Saddex Aag oo ku yaalla Shabeellaha Hoose

Hase yeeshee, dowladda federaalka ayaa hore u muujisay walaac ku saabsan awoodda ciidamada dalka ee ay hadda haystaan.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 09:10AM