Mareykanka oo Duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Taliska Ciidamada Mareykanka ee Africa [AFRICOM], ayaa soo saarey War Saxaafadeed uu uga hadlay Duqeyn ay Diyaaradahooda maanta ka fuliyeen Koonfurta Soomaaliya.

AFRICOM ayaa sheegtay in iyagoo kaashanaya ciidamada dowladda Federaalka ay weerar cirka ah ay ka gaysteen deegaan lagu magacaabo Gaduud oo 250 Mile dhanka Koonfur Galbeed uga beegan Muqdisho.

Duqeyntan oo dhacday Nov 11, abaare 4:30 p.m. waxaa lala eegtay saldhig Al Shabaab ku leedahay deegaanka, waxaana ku dhintay ugu yaraan hal dagaalyahan oo kamid ahaa Kooxda.

Warsidaha Garowe Online ayaa ogaaday in weerarka uu ka dhacay Deegaan ku dhaw Sanguuni, oo dhanka waqooyi uga beegan Buulo-Gaduud, oo ku dhaw magaalada Kismaayo, ee xarunta gobolka Jubbada hoose, waxaana lagu dilay 3 ruux.

Weerarka kahor, AFFRICOM waxay xustay inay u kuur-galeen oo dusha kala socdeen weeraro argagaxiso oo ka dhanka Kolonyo gaadiid oo Mareykanka iyo Ciidamo Soomaali ah leeyihiin, oo Al Shabaab goobta ku maleegaysay.

Al Shabaab ayaa ku biirtay Al Qaeda 2012, iyadoo gabaad siisay dagaalyahano caalamka uga yimid inay ka dagaalamaan Soomaaliya, kuwaasi oo khatar amni ku haya Mareykanka iyo dalalka gobolka.

AFRICOM waxay kaloo daboolka ka rogtay inay sii wadayaan duqeymaha lagu wiiqayo cududa Al Shabaab, sidoo kalena looga hortagayo shirqoollada loo maleegayo muwaadiniinta Mareykanka.

Diyaaradaha Mareykanka ayaa tan iyo Arbacadii lasoo dhaafay ka fuliyeen gobollada Shabeellooyinka iyo Jubbooyinka, kuwaasi oo lagu dilay sida ay sheegeen ku dhawaad 100 dagaalame.

Trumo ayaa bishii Maarso ee sanadkan ansixiyay duqeymaha Soomaaliya, isagoo wacad ku maray inuu burburinayo Kooxaha argagaxisada ku sugan dalka, oo Al Shabaab iyo Daacish ka mid yihiin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Milanka Al-Shabaab ee Ciidanka Qaranka oo Walaac Dhalinaya Kadib Dilalka Taliyeyaal Sare

Khabiirada amniga ayaa si isa soo taraysa uga digaya in Al-Shabaab ay si qoto dheer ugu milantay Ciidanka Qaranka.

  • Soomaliya

    18-05-2025

  • 04:26PM

Axmed Madoobe oo Nairobi kula kulmaya Saraakiil ka socota Itoobiya iyo Kenya

Madaxweynaha Jubbaland ayaa booqashadiisa sidoo kale ku saabsan sidii uu ugu raadin lahaa taageero dheeraad ah oo caalami ah.

  • Soomaliya

    18-05-2025

  • 12:27PM