Duqeyn uu Mareykanka fuliyey Soomaaliya oo laga warbixiyey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Militeriga Mareykanka ayaa xaqiijiyay in laba xubnood oo kamid ahaa kooxda Al-Shabaab ay ku dileen duqeyn dhanka cirka ah, oo ay ka fuliyeen maalintii shalay gobolka Jubbada Dhexe, ee Koonfurta Soomaaliya.

Taliska Mareykanka ee Africa [AFRICOM] ayaa war qoraal ah oo maanta uu soo saarey ku sheegay in howlgalka uu ka dhacay nawaaxiga degmada Saakow, oo ay maamusho Kooxda Al-Shabaab.

Xubin kale oo kamid ah Al-Shabaab ayaa lagu dhaawacay weerarka, kaasoo sidoo kale lagu burburiyay saldhig bartilaameed u ahaa militeriga Mareykanka, oo diyaarad nooca Drone-ka ay duqeysay shalay.

War-saxaafadeedka AFRICOM ayaa lagu yiri: "Ma jiro wax khasaaro dhimasha ama dhaawac oo shacabka kasoo gaarey duqeynta".

Inta badan Mareykanka warbixinadiisa ku saabsan duqeymaha waxuu ku sheegaa inaysan shacabka dhibaato kasoo gaarin, iyadoo dadka degaan ku dhaw Jilib ay soo werinayaan in rayid lagu dilay duqeyntii ugu dambeysay.

Waa howlgalkii 15-aad oo Mareykanka ciidamadiisa ka fuliyeen gudaha Soomaaliya sanadkan 2020.

Dowladda Mareykanka ayaa dhawaan kordhisay duqeymaha ka dhanka ah Al-Shabaab iyo Daacish, taasoo qeyb ka ah Istaraatiijiyada la dagaalka argagaxisadda [counter-terrorism Strategy].

Askar lagu qiyaaso illaa 500 oo kuwa sida gaarka y tababaran ayaa saldhigyo ku leh qeymo kamida Soomaaliya, oo Ballidoogle ugu weyn yahay, halkaasi oo lagu qorsheeyay, lagana qaado weerarada duqeymaha ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hawlgallo ka Dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:53AM

Xildhibaano iska casilay Baarlamaanka Maamulka fadhiya Laascaanood 

Wuxuu sheegay in sababta ay u qaateen go’aanka is-casilaadda ay tahay iyagoo aaminsan in maamulka uu ka leexday ujeeddadii loo dhisay.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:21AM