Mareykanka oo eedeyn culus u jeediyey madaxweyne Farmaajo
WASHINGTON, US – Mareykanka ayaa ku eedeeyay madaxweyne Farmaajo in uu si toos ah ugu lug-lahaa riditaanka xukuumadda, arrintaasna uu ku abuuray xiisad siyaasadeed oo carqaladeysay shirarka arrimaha doorashada.
Cherith Norman Chalet, sii-haayaha ku xigeenka ergayga Mareykanka ee Qaramada Midoobay, ayaa "nasiib darro" ku tilmaamtay talaabadaas oo ay sidoo kale tibaaxdey in baarlamaanka uu kaalin ka cayaaray.
Mrs Chalet oo ka hadleysay shirka uu maanta Golaha Ammaanka ka yeeshay arrimaha Soomaaliya ayaa walwal ka muujisay ficilkaas.
"Waxaan aad uga walaacsanahay talaabooyinka noocaan oo kale ah oo wiiqay geedi u socodka wadahadaladii dowlada federaalka, dowladaha xubnaha ka ah iyo daneeyeyaasha ugu muhiimsan," ayay hoosta ka xariiqdey.
Bishii July 25-keeda ayay ahyad markii Golaha Shacabka uu kalsoonida kala noqdey ra'iisul wasaare Xasan Cali Khayre, talaabadaas oo timid maalmo kadib markii dowlada iyo maamulada ku heshiiyeen Dhuusamareeb.
Heshiiskaas ayaa ku saabsanaa in guddi u saaraan nooca doorashadda, shir kalana isugu yimaadaan 15-ka August; hase ahaatee, qabsoomida kulankaas waxaa dul-hoogan calaamad su'aal riditaanka xukuumadda awadeed.
Maamuladda iyo xisbiyadda mucaaradka ayaa ku eedeeyay Villa Soomaaliya in ay xukuumadda meesha uga saartey si ay u carqaladeyso shirka DhuusamareebIII isla markaana u meelmariso mashruuceeda muddo kororsiga.
Dhanka kale, safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya oo ka falcelisay diidmada Puntland iyo Jubaland ee ka qeybgalka Dhuusamareeb 3 ayaa adkeysay in nooca doorashada lagu helo wadar ogol.
"Safaarada Mareykanka ee Soomaaliya waxay ka shaqeysay isu keenida dhamaan aragtiyaha yaala gogosha Dhuusamareeb3, balse ma caawin karto kuwa maqan. Qaswadayaasha u diidan ka qeybgalka in ay helaan ujeedooyin gaar ah. Dhinacyadda waxay u baahan doonan hab ay horey ugu sii socdaan iyo hanaan la isla ogol-yahay oo waqtiyeysan," ayay Twitter-ka ku tiri.
Intii ay hadal-jeedinta wadday, diblumaasiga ayaa cod dheer ku baaqdey in doorashooyinka soo aadan ee Soomaaliya ay waqtigooda ku dhacaan, iyaddoo xustay in coddeyn kasta u baahan tahay wadar ogolka saamileyda.
"Hubanti la'aanta iyo baaqashadda doorashooyinka waxay keeni karaan sameyn aanan wanaagsaneyn," ayay tibaaxdey, iyaddoo adkeysay in is-mari-waaga doorashada ay muhiim tahay in hogaanka Soomaalida xaliyaan.
Khatarta Al-Shabaab ayay tibaaxdey in ay wali jirto. Weeraradii u dambeeyay ayay ku qeexdey kuwa adkeyanaya baahida loo qabo in sarre loo qaado nabad-gelyadda isla markaana laga fekero ammaanka doorashooyinka.
Ugu dambeyntii, Mareykanka ayay hoosta ka xariiqdey in uu mar walba garab taagan yahay Soomaaliya. Dhaqan-gelinta qorshaha kala guurka ammaanka ayay soo jeedisay si mas'uuliyada amniga u hanta ciidamadda Soomaaliya.
GAROWE ONLINE