Mareykanka oo ka hadlay dil wadareedkii ka dhacay tuulada Gololey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa waxay tacsi u dirtay eheladda iyo asxaabta xirfad-layaashii caafimaad iyo qofkii shacabka ahaa ee 27-dii May, 2020 lagu dilay gobolka Shabeellaha Dhexe.

Dhacdadaas oo baaritaan uu ku socdo laguna laayey wadar ahaan sideed ruux ayaa ka dhacday degaanka Gololey ee ku dhow Balcad. Al-Shabaab iyo ciidamadda Soomaaliya ayaa siyaabo kala gooni-gooni ah loola xiriiriyey.

Balse, taliska ciidamadda Soomaaliya ayaa dhinac isaga leexiyey eedeyntaas, wuxuuna soo dhaweeyay baaritaanadda haatan socda.

War-saxaafadeed kasoo baxay safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa lagu sheegay in falkaas uu sii xoojinayo beegsiga dadka ka shaqeeya arrimaha bini'aadanimadda ee ku sugan qaybo kamid ah Soomaaliya.

Sidda ku xusan warbixinta, tan iyo bilowgii sanadkan 2020, waxaa gudaha Soomaaliya lagu khaarijiyey 10 qof oo ka shaqeysa samafalka.

"Mareykanka wuxuu aad uga walaacsan yahay xaaladaha sii xumaanaya ee amniga ee shaqaalaha arrimaha samafalka ee jooga Soomaaliya. Waxaan si xoogan u cambaareyneynaa weerarada lagu qaadayo kuwa ka shaqeynaya ilaalinta nolosha kuwa nugul. Rabshadaha noocaas ah waa in cadaaladda la marsiiyaa," ayaa lagu yiri qoraalkan oo uu arkay Garowe Online.

Mas'uuliyiinta dowladda federaalka ah ayaa loogu baaqay in ay ka shaqeeyaan siddii bad-qab u heli lahaayeen howlwadeenada gargaarka.

"Dowladda Mareykanka waxay ugu yeereysaa dhammaan qeybaha kala duwan ee Soomaaliya in ay dhowraan sharciga caalamiga ee bani'aadamnimada iyo in la ilaaliyo shaqaalaha gargaarka si ay u sii wadaan caawinta dadka tabaaleysan ee Soomaaliyeed oo ay la shaqeynayaan," ayaa lagu soo xiray qoraalka.

Soomaaliya ayaa kamid ah wadamadda rayidka u nugul yihiin falalka liddiga ku ah nabad-gelyadda oo ay geystaan kooxaha kasoo horjeeda dowladda. Si lamid ah, waa mid kamid ah dalalka ay adag tahay in wariye ku shaqeeyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamadda Ciidanka oo Xukun Ku Riday Sarkaal Muhiim ah oo Ka Tirsanaa Al-Shabaab

Cabdinaasir ayaa ka hoos shaqeynayay sarkaal sare oo lagu magacaabo Khaalid, sida lagu sheegay xukunka maxkamadda.

  • Soomaliya

    04-06-2025

  • 01:22PM

Turkiga oo Kordhiyay Taageerada Difaaca Soomaaliya

Shixnadda diyaaradaha ayaa la keenay Muqdisho kadib markii duuliyayaashu dhammeeyeen tababarkoodii ugu dambeeyay.

  • Soomaliya

    04-06-2025

  • 01:05PM