Mareykanka oo ka hadlay duulaanka DF ee Gedo iyo xaaladda Soomaaliya

Image

NEW YORK, USA - Dowlada Mareykanka ayaa markii ugu horeysay si adag kaga hadashay xaaladda Gedo iyo ciidamada dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ku qabsatay magaalooyin ku yaalla gobolka.

Isu-duwaha siyaasadda ee Mareykanka u qaabilsan Golaha Ammaanka, Rodney Hunter, ayaa sheegay in aan la aqbali karin ciidamada milateriga ee sida siyaasadeysan ay dowladda Soomaaliya ugu daadgureysay Gedo, kuwaasoo xaalad colaadeed ka abuurey gobolka.

Isagoo ka hadlayay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, Rodney Hunter wuxuu shaaciyay in tallaabada dowladda qaadey ay weecineyso dhaqaalihii lagu heshiiyay ee loogu tala galay hawlgallada amniga iyo xasilinta Soomaaliya.

Mas'uulkan ayaa xusay in 2020-ka uu Soomaaliya u yahay sanad adag, maadaama ay dooneyso in ay xal ka gaarto deyn cafinta, doorashooyinka Qaranka iyo sidii ciidmaada Soomaaliya ay AMISOM uga la wareegi lahaayeen mas'uuliyadda amniga dalkooda.

Waxaa uu sidoo kale ka hadlay khilaafka Dowladda iyo maamul goboleedka Jubaland, isagoo ugu baaqay Madaxweyne Farmaajo inuu si deg deg ah usoo afjaro duulaanka lagu qaadey gobolka Gedo, oo horey xasilooni iyo nabad uga jirtay.

Rodney ayaa hoosta ka xariiqay baahida loo qabo inay wada-shaqeeyaan dowladda  iyo maamulada, si looga mira-dhaliyo hadafka 2020 iyo in meel looga soo wadajeesto dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, oo khatar ku haysa amniga qaranka.

"Horumar walba oo laga gaaro dhinacyada amniga, siyaasadda, deyn cafinta ay udub dhexaad u tahay iskaashi ay yeeshaan Dowladda Federaalkaiyo maamul goboleedyada," ayuu yiri Rodney Hunter.

Mareykanka ayaa bedelay siyaasadiisa Jubaland, iyadoo wafdi uu horkacayay safiirka Mareykanka Donald Yamamoto oo uu wehliyo taliyaha AFRICOM ay Kismaayo kula kulmeen Madaxweyne Axmed Madoobe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hawlgallo ka Dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:53AM

Xildhibaano iska casilay Baarlamaanka Maamulka fadhiya Laascaanood 

Wuxuu sheegay in sababta ay u qaateen go’aanka is-casilaadda ay tahay iyagoo aaminsan in maamulka uu ka leexday ujeeddadii loo dhisay.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:21AM