Mareykanka Oo Ka Hadlay Sababta Loo Diiday Gelitaanka Garsoore Soomaaliyeed Omar Artan

Image

Garsooraha Soomaaliyeed ee caalamiga ah Omar Cabdulqaadir Artan ayaan ka qeyb geli doonin Koobka Adduunka ee xagaagan ka dhacaya Mareykanka kadib markii loo diiday inuu dalkaas galo, sida ay FIFA xaqiijisay Isniintii.

Afhayeen u hadlay Hay’adda Kastamyada iyo Ilaalinta Xuduudaha Mareykanka (CBP) ayaa CNN u sheegay in Artan lagu sameeyay baaritaan dheeraad ah markii uu ka degay magaalada Miami, isagoo ka yimid Istanbul.

“Intii lagu guda jiray habraaca gelitaanka, socdaalka waxaa lagu sameeyay baaritaan dheeraad ah, taas oo ah qayb caadi ah oo ka mid ah shaqada CBP marka saraakiishu u baahan yihiin inay xaqiijiyaan xog ama go’aamiyaan u-qalmitaanka gelitaanka dalka,” ayuu yiri afhayeenku. “Kadib baaritaanka, socdaalka oo ahaa garsoore FIFA ah ayaa loo arkay inuusan u qalmin gelitaanka dalka sababo la xiriira arrimo baaritaan amni, waxaana loo diiday inuu galo Mareykanka.”

Soomaaliya waxay ka mid tahay 39 dal oo ay saameysay xayiraadda socdaalka ee maamulka Madaxweyne Donald Trump. Inkastoo CBP aysan shaacin sababta gaarka ah ee Artan loogu diiday gelitaanka, haddana muwaadiniinta dalalka ku jira liiska xayiraadda ayaa wajahaya baaritaanno dheeraad ah.

Omar Artan ayaa sanadkii 2025 loo aqoonsaday garsooraha ugu wanaagsan Afrika ee ragga, waxaana Xiriirka Kubadda Cagta Afrika (CAF) u xushay inuu ka qeyb galo Koobka Adduunka ee sanadkan.

Afhayeen u hadlay FIFA ayaa sheegay: “FIFA kuma lug laha habraacyada socdaalka ee dalalka martigelinaya tartamada, oo ay ku jiraan go’aannada la xiriira fiisooyinka. Waxaa naloo sheegay in xaaladda Mr. Artan aan wax isbeddel ah lagu sameyn doonin waqtigan. Sida dhacdooyinkii hore ee FIFA, dowladda dalka martigelinaya ayaa ugu dambeyn go’aamisa cidda la siinayo fiisaha iyo cidda loo oggolaanayo inay dalka gasho.”

Arrinta Omar Artan ayaa ku soo beegantay iyadoo dalal kale, gaar ahaan Iran, ay sidoo kale la kulmeen caqabado ku saabsan gelitaanka Mareykanka sababo la xiriira siyaasadaha adag ee socdaalka ee maamulka Trump.

Madaxweynaha Xiriirka Kubadda Cagta Iran, Mehdi Taj, ayaa Axaddii sheegay in xulka qarankiisa loo oggolaaday inay galaan Mareykanka, balse oggolaanshahaas la siiyay “hal maalin ka hor ciyaarta,” taasoo dhalisay eedeymo ku saabsan sinaan la’aan.

Tababaraha xulka Iran, Amir Ghalenoei, ayaa isna sheegay in qaar ka mid ah maamulka kooxda, shaqaalaha warbaahinta iyo agaasime sare ay weli sugayaan oggolaanshaha ay kaga qeyb geli lahaayeen tartanka.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Dadaallada Dhexdhexaadinta Turkiga ee Khilaafka doorashadda Soomaaliya oo Wajahaya Dib-u-dhac iyo Cadaadis Caalami ah

Khilaafkaasi ayaa sababay in dhexdhexaadiyeyaasha Turkiga ee ku lugta leh hawsha ay ka fiirsadaan inay dib ugu laabtaan magaalada Ankara.

  • Soomaliya

    09-06-2026

  • 07:53PM

"11 saacadood ayaa la i weydiinayay su'aalo" – Cumar Cartan

Wuxuu intaas ku daray inuu tusay saraakiisha waraaqihii rasmiga ahaa ee horyaalka FIFA iyo sawirrada taariikhda garsoorenimo ee uu leeyahay.

  • Soomaliya

    09-06-2026

  • 06:37PM