Mareykanka oo khaarijiyey Shabaab ku lug lahaa weerarkii Manda Bay

Image

WASHINGTON, US - Milatariga Maraykanka ayaa sheegay in duqayn dhacday 22-kii bishan Febraayo lagu dilay laba argagixiso ah, oo mid ka mid ah uu lug ku lahaa weerarkii Al-Shabaab ku qaaday saldhigga ciidamada Kenya iyo Maraykanka ee Manda Bay ee Gobolka Lamu.

Maraykanku waxay sheegeen in qofka labaad ee la dhintay ay ahayd xaaskiisa oo xubin ka ahayd Al-Shabaab.

Waxa milatariga Marayanku tibaaxay in labada xubnood ay kala ahaayeen sarkaal sare oo Al-Shabaab ah oo mas’uul ka ahaa qorshaynta iyo diyaarinta hawlgallada ka dhaca dhulka xuduudda la ah Kenya oo uu ku jiro weerarkii Manda Bay iyo xaaskiisa oo xubin ka ahayd isla markaana fududaysay ficillo argagixiso ah.

Wuxuu daboolka ka qaadey milatariga Marayanku in ilaa 5-tii Janaayo ay ku daba jireen shaqsiyaadkii weerarkaas mas’uulka ka ahaa.

Taliyaha AFRICOM Jeneraal Stephen Townsend ayaa ku nuux-nuux sadey in Maraykanku uusan "ka hari doonin kuwa qaba dhiigga Ameerikanka iyo kan ciidamada Afrika".

Fahfaahinta weerarkaan dhanka cirka ah waxaa lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay Taliska Ciidamadda Mareykanka ee qaaradda hodanka ah ee Afrika.

Ku dhowaad saddex Ameerikaan ah ayaa lagu dilay weerarkii Manda Bay, oo dhacay bilowga bishii lasoo dhaafay ee Janaayo, sanadkan 2020. Diyaarado ayaa kamid ahaa agab ciidan oo lagu gubay duulaanka oo ay Al-Shabaab ku sheegatay baraha Internet-ka ee taageera.

GO + VOA

Related Articles

Hawlgallo ka Dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:53AM

Xildhibaano iska casilay Baarlamaanka Maamulka fadhiya Laascaanood 

Wuxuu sheegay in sababta ay u qaateen go’aanka is-casilaadda ay tahay iyagoo aaminsan in maamulka uu ka leexday ujeeddadii loo dhisay.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:21AM