Go'aan ka dhan ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM oo la shaaciyey

Image

WASHINGTON, US – Dowladda Mareykanka ayaa waxay ku dhawaaqdey in ciidamada howlgalka AMISOM aysan sii joogi doonin gudaha Soomaaliya.

Rodney Hunter, isu duwaha siyaasada howlgalka Mareykanka ee UN-ka ayaa warkaas u sheegay Golaha Ammaanka.

Intii lagu guda jiray hadal-jeedintiisa, Hunter ayaa tilmaamay ahmiyada ay leedahay in ciidanka ay Soomaaliya ka baxaan waqtiga loo qabtay.

Sanadka 2020-21 ayaa loo muddeeyay in ay ka hayaamaan Soomaaliya isla markaana mas'uuliyada ku wareejiyeen laamaha amniga dowlada.

"Qorshaha kala guurka ee ku saabsan in Dowladda Soomaaliya lagu wareejiyo mas'uuliyadda ammaanka waxaa waajib nagu ah in ay noo ahaato mid muhiim ah. AMISOM masii joogeyso Soomaaliya waligeed," ayuu xusay.

Hadalka Washington ayaa imaanaya iyaddoo qorshuhu yahay in dhamaadka bishaan Febraayo ay AMISOM dhinto kun askari, talaabadaas oo qeyb ka ah geedi u socodka kala guurka ee ammaanka Soomaaliya.

Mareykanka ayaa kamid ah dalalka maalgelinta ugu badan ku sameeya Howlgalka Midowga Afrika ee nabad-ilaalinta Soomaaliya.

Taliskan tobanaanka sano ku sugan Soomaaliya kaasoo aanan guulo la taaban karin kasoo ka keenin dagaalka Al-Shabaab ayaa wajahaya dhaqaale xumo baahsan, sababtay "in ay askarta qaarkood isu dilaan".

Tirada ciidamada AMISOM waxaa lagu sheegaa in ka badan 22 kun, halka xubnaha Al-Shabaab u dagaalamaya ay gaarayaan laba kun oo dagaalame.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hawlgallo ka Dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:53AM

Xildhibaano iska casilay Baarlamaanka Maamulka fadhiya Laascaanood 

Wuxuu sheegay in sababta ay u qaateen go’aanka is-casilaadda ay tahay iyagoo aaminsan in maamulka uu ka leexday ujeeddadii loo dhisay.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:21AM