Mareykanka oo shaaciyey mowqifkiisa heshiiska dhinacyada Jubaland

Image

KISMAAYO, Jubaland – Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa maanta oo Arbaco ah waxay ku dhawaaqdey in ay soo dhaweyneyso heshiiska ay kala saxiixdeen dhinacyadda khilaafku ka dhaxeeyay ee maamulka Jubaland.

Qoraal lasoo dhigay barta Twitter-ka ee safaaradda ayaa lagu caddeeyay mowqifka Washington ee heshiiskaas lagu gaarey caasimadda Kenya ee Nairobi taariikhdu markii ay ahayd 23-kii April ee sanadkan 2020.

Sidda laga soo xigtay bayaanka, Mareykanka ayaa u arka "heshiiskaas taariikhiga ah" mid bilow u ah wadahadalada madaxweyne Axmed Maxamed Islaam iyo hogaamiyeyaasha kale si loo dhiso maamul metelaad leh.

"Amb Yamamoto iyo safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya waxay soo dhaweynayaan heshiiska Jubaland oo ah barta bilowga ee wadahadalada u dhaxeeya madaxweyne Madoobe iyo hogaamiyeyaasha kale si loo dhiso maamul metelaad leh," ayuu u qornaa qoraalka kooban ee safaarada.

Bayaanka ayaa la raaciyey: "Waxaa ku baaqeynaa si dhameystiran loo dhaqan-geliyo heshiiska iyaddoo ay u dhan tahay dhamaan saamileyda Jubaland. Midnimo iyo dib-u-heshiisiin ayaan u rajeynaynaa Soomaaliya".

Shalay ayey ahayd markii Beesha Caalamka ay bogaadisay heshiiska isla markaana ay ku ammaanka hogaanka Jubaland heshiiska ay kala saxiixdeen.

Heshiiska oo ay kaalin fududeyn ah ku lahaayeen Kenya iyo Puntland kuwaasoo looga mahadceliyey doorkooda ayaa qeexaya in Axmed Madoobe uusan mar kale isa soo sharaxin iyo in Golaha Isbedel Doonka aqoonsado guushiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM

Dowladda Soomaaliya oo Bandow ku soo Rogtay Baydhabo Kadib Xiisado Siyaasadeed

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Asad Osman Abdullahi, oo maalmahan kulamo la lahaa saraakiisha booliska ee Baydhabo.

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 08:58AM