Mareykanka oo shaaciyey xiliga uu joojinayo tababarida ciidanka Danab

Image

WASHINGTON, US – Iyaddoo Waaxda Difaaca Mareykanka ay dhimeyso joogitaanka ciidan ee Afrika, taliska AFRICOM ayaa saadaalinaya in taageeradooda kumaandooska Soomaaliya aysan dhamaan doonin xili dhow.

Miguel Castellanos, ku xigeenka agaasimaha howlgalada AFRICOM, ayaa hadalkaas ku sheegay wareysi uu siiyey Military Times.

Kumaandooska Soomaaliya ee Washington ay tababarada siiso waxaa loo yaqaanaa Danab, waana guuto si gaar ah u tababaran.

"Danab waa ciidamada leh kartida ugu badan, si gaar ah gudaha Soomaaliya," ayuu raaciyey hadalkiisa, isagoo tilmaamay in ay rajeynayaan in tababarada ay joogsan doonan marka la gaaro sanadka 2027-da.

Wallow lagu bilaabay 150 askari, hadda waxay qiyaasitii u dhaxeysaa sideed boqol [800] illaa iyo kun [1,000]. Sanadkii 2013-kii ayaa la aas-aasey. Yoolku waa in la gaarsiiyo saddex oo kun askari.

Qandaraaska qorista guutada Danab ee Ciidanka Xoogga Soomaaliya waxaa haysata Bancroft Global Development, oo ah shirkad aan dowli ah balse la shaqeysa Wasaaradda Gaashaandhiga Mareykanka.

Askarta Soomaalida ah marka ay shirkadaas diiwaan-geliso kadib waxaa lagu wareejiyaa lataliyeyaasha milatariga Mareykana si loo siiyo tababar dheeraad ah, farsamooyinka dagaalka iyo casharo kale.

AFRICOM oo la aas-aasey 2007-dii si hoos ugu dhigo khatarka Al-Qaacida ee qaarada Afrika ayaanan soo bandhigin guutooyinka ka jooga Soomaaliya ee tababara Danab "sababo la xiriira badbaadinta ciidanka".

Xili hadafka uu mira-dhalay, kumaandooska Soomaaliya ee Danab ayaa loo aas-aasey in ay fuliyaan howlgalada qorsheysan ee ka dhanka ah Al-Shabaab, oo haysta ku dhowaad lix illaa iyo todoba kun oo xubno ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM