Mareykanka oo sheegay in aan horumar laga gaarin amniga Soomaaliya

Image

New York — Wakiilka Mareykanka u fadhiya Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in dowladda Mareykanka ay ku bixisay dhaqaale ballaaran taageerada howlgalada amniga ee Soomaaliya, balse uu weli jiro walaac ku saabsan horumar waara oo laga gaaro xaaladda amni.

Wakiilka ayaa Golaha Ammaanka u sheegay in Mareykanku ku deeqay ku dhowaad $1.6 bilyan oo doolar si loo taageero dalalka ciidamadooda ku biiriyay howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya iyo howlgaladii ka dambeeyay ee beddelay.

Waxa uu intaas ku daray in Mareykanku sidoo kale bixiyay ku dhowaad $2 bilyan oo doolar oo ah deeqo la ururiyey (assessed contributions), kuwaas oo lagu taageerayay Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS) iyo hay’adihii ka horreeyay.

“Inkasta oo ay jireen naf-hurnimo iyo dadaal weyn oo ay sameeyeen ciidamada iyo booliiska, iyo sidoo kale taageerada muddada dheer ee Mareykanka iyo saaxiibbadiisa kale, haddana horumar waara lagama gaarin xaaladda amniga ee Soomaaliya,” ayuu yiri wakiilka.

Wakiilka Mareykanka ayaa sidoo kale ku baaqay in dhammaan heerarka maamulka dalka — oo ay ku jiraan dowlad-goboleedyada, dowladda Federaalka iyo qabaa’ilada — ay isugu yimaadaan wadahadal dhab ah si xal waara looga gaaro khilaafaadka siyaasadeed ee jira, kuwaas oo uu sheegay inay caqabad ku yihiin xasilloonida dalka.

Ugu dambeyn, wakiilka ayaa xusay in bilaha soo socda ay dowladda Mareykanka ka gaari doonto go’aan ku saabsan jihada siyaasaddeeda ee Soomaaliya, iyadoo lagu saleynayo qiimeyn lagu sameynayo xaaladda amni iyo tan siyaasadeed ee dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM